Qoraal uu ku saxeexanyahay Xoghaya xidhiidhka Dadweynaha ee Xisbiga Ucid laantiisa UK, ayaa u dhignaa sidan:
"Waxaan Halkan ka salaamayaa dhammaan warbaahinta madaxa banaan iyo shacabka reer Somaliland oo aan leeyahay waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka. ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU.
Waxa ayaamahan ama labadii wiig ee ugu danbeeyay Dalkeena Hooyo ee Somaliland ka dhacayay arrimo aan qurux badnay, oo ay ugu waaweyn yihiin maxaabiistii argagixisada Jeelka Hargeysa ku xidhnayd oo baxsatay, sirdoonkii Itoobiya oo Gabiley lagu baadhay, iyo ciidamada qaranka Somaliland oo degmada taleex booqday, sadaxdan arrimood waxan jeclahay in aan mid mid u soo qaato anigoo isku dayaya in aan sharaxaad dheeraad ah idinka siiyo midkasta iyo saamaynta ay ku yeelanayso siyaasadeena arrimaha dibada:
Maxaabiista Argagixisada ee Jeelka Hargeysa Ka Baxsaday:
Run ahaantii waa markii labaad ee maxaabiista argagixisada u xidhay ee jeelka Hargeysa ay ka baxsadaan intii Xukuumada Axmed Siilaanyo xilka qabatay, labadaa jeerba maxaabiista argagixisadu way ku guuldaraysteen in ay baxsadaan, waxaana qabashadooda kaalin weyn ka qaatay shacabka reer Hargeysa oo soo qabqabtay.
Hadaba waxaa xusid mudan in meeshan wax ku jiraan waxa kuu cadaynaya, labada jeerba maxaabiista argagixisada ah waxay adeegsadeen hub nooca bastoolada ah, baxsigoodii hore Illaahay amarkii ciddi waxba kuma noqon, laakiin baxsigan danbe waxay ku dileen hal askari waxayna ku dhaawaceen laba askari oo dhamaantood ka tirsan ciidanka asluubta. Hadaba waxa shaki weyn muujinaya waxa soo celceliyay isku dayga baxsiga maxaabiistan argagixisada u xidhan, waliba waxaa xusid mudan intii isku daygani dhacayay waxay ahayd intii uu xilka hayay Madaxweyne Siilaanyo, waxaa jirtay in mudadii uu xilka hayey Madaxweyne Siilaanyo Jeelka Hargeysa iyo Jeelasha kale ee Somaliland laga sii daayey rag badan oo Argagixiso u xidhan taasina waxay leedahay dareenkeeda, anigu shaqsiyan waxaan aaminsanahay in haddii kiiskan ka dhacay jeelka Hargeysa ee isku dayga siidaynta maxaabiista Argagixisada si daacad ah loo baadho arrinta ay dabada lagalidoonto rag Wasiiro ah waliba kuwa ugu tunka wayn xukuumada Siilaanyo, arrintani askari iyo sarkaal ciidan ka wayn.
Sirdoonka Itoobiya ee Gabiley Lagu Baadhay:
·Waxa maalin dhawayd iyadana dhacday in niman diblamaasiyiin Itoobiyaan ah oo lagu sheegay in ay yihiin Sirdoonka Itoobiya lagu joojiyey bar kaantarool oo ku taal Gobolka Gabiley loogana qaaday qalab sida ay wararku igu soo gaadheen qalabkaa waxaa ku duubnaa Data-tooyin sir ah, run ahaantii marka aan la kaashado qibradayda kooban ee xaga amaanka waxay arrintani muujinaysaa in uu dayac ka yimi xaga Somaliland iyo xaga Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, sababtoo ah labadaba waxa saran masuuliyada amaanka diblimaasiyiintaa, waliba waxan eeda saarayaa Safaarada Itoobiya ee Hargeysa, mar hadii ay nibankani ay sideen sir dowladeed waxay ahayd in ciidan ku filan laga soo raaciyo Hargeysa, waxaana hubaa in Dawlada Somaliland ay aqbali lahayd in ay ka caawiso safaarada wixii ciidan ah ee ay u baahdaan. Waxa kale oo aan maqlay in data-dii sirta ahayd ee laga qaaday saraakiishii Itoobiyaanka ahaa markii hore lawaayey, taasi shaki weyn bay leedahay mana jecli in aan qoraalkayga ku faahfaahiyo waa arrin xaasaasi ah, Arrimahani waxay aad u xumayn karaan xidhiidhka inaga dhaxeeya Dowlada Itoobiya oo intii Siilaanyo talada qabtayba aan caga adag ku taagnayn iyo is aaminida wada shaqaynta xaga amaanka:
Tagitaankii Ciidamada Qaranka Somaliland ee Deg. Taleex:
Run ahaantii sadexda qodob ee aan ka hadlay qodobkani waa ka ugu xaasaasisan waxa jeclahay in muwaadiniinta reer Somaliland ay aad u dhuuxaan. Sida aad la socotaan wiigii aynu soo dhaafnay waxa Deegaanka Degmada Taleex booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, Ciidamadu waxay tageen degmo ka mid degmooyinka Somaliland. Hadaba waxa cajiib ah qaylada ka soo yeedhay UN-ka, Wadamada Reer Galbeedka iyo Wadamada Aynu jaarka nahay oo marqudha qaatay mowqif lidi inagu ah, iyagoo markaa garab siinaya cadowgeena oo ay ugu horeeyaan Somaliya, Puntland, Khaatumo, 3 daxdan oo isbiirsaday, markiiba Somaliland waxa lagu barashargareeyey in ay ka soo baxdo Taleex, tagetaanka ciidanka qaranka ee taleexna waxay ku macneeyeen in ay noqonayso arrin geeska ka dhalinkarta colaado, afkan oo ah afkii ay ku hadlayeen cadowga Somaliland ayaa marqudha waxa ku tiraabay wadamadii reer galbeedka iyo kuwii aynu jaarka ahayn.
Hadaba muwaadin aan kuu faah-faahiyo meesha sartu ka qudhantay waxa weeye, Xukuumadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo hogaaminayo waxay dhaawac aad u weyn u geysatay siyaasadeenii arrimaha dibada, awal dunidan waxaynu ku lahayn saaxiibo ina difaaca, saaxiibadaa waxa ugu tun waynaa labada Dowladood ee kala ah UK ama Ingiriiska iyo Itoobiya labadiiba maanta waxa cad in ay inaga soo horjeedaan, saaxiib kale oo aynu ku badalanayna ma jiro, markaa aniga waxaa ii muuqda halis siyaasadeed. Wax yaabaha xumeeyey xidhiidhkii inaga dhexeeyey Aduunweynaha waxa ka mid ah Xukuumadan Siilaanyo oo aan wada shaqayn wanaagsan oo xaga amaanka ah la lahayn wadamada aduunka iyo kuwa jaarka ahba, waxa kale oo jira in wadaba reer galbeedka iyo kuwa jaarka ah ay shaki weyn ka muujinayaan rag wasiiro ah oo Xukuumadan Siilaanyo ka mid ah waliba kuwa ugu tunka weyn. Hadalkayga waxan ku soo gunaanadayaa Nasiib daro Madaxweyne Siilaanyo ma arko ragan siyaasadeenii dibada dhaawacay, Madaxweynaha waxa qudha ee u muuqdaa waxa weeye xaga reernimada, muusan eeginba halistan kale ee ay xanbaarsanyihiin xubno ka mid ah golahiisa Wasiirada, Dalkan Somaliland wuxu u baahanyahay isbadal siyaasadeed oo degdeg ah, iyo in si dhaqso ah loo soo celiyo saaxiibadii xaga siyaasada Somaliland ee Xukuumadan Siilaanyo xadhkaha u jartay.
ABDULQADIR MOHAMED (CUKAASHE)
Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda
Ee Xisbiga UCID Laanta UK