Akhri dadka aragtidooda ka dhiibtay, adiguna ku soo biir
Aqoonsi dibaddeed oo ay Somaliland ka helaan caalamka waxa uu kowsaday shalay, ka dib markii Gollaha Deegaanka ee Magaalada Sheffield cod ku meel mariyeen inay ictiraafeen madaxbanaanida Somaliland.
Gobanimo News Agency waxay bilowday ra’yi uruurin ku saabsan mawduucan oo xiise gaar ah iyo yihdidiilo ku abuuray Bulshada Somaliland, inkasta oo lagu kala aragti duwanyahay.
Halkan waxaanu idiinku soo gudbinaynaa qayb ka mida dadkii aragtiyahooda ka soo dhiibtay aqoonsiga Somaliland heshay, annagoo gadaalna idiinka soo gudbin doona kuwo kale oo hore iyo cidii ku soo biirta.
Akhri dadka aragtiyaha u soo dhiibtay siyaabo kala duwan.
Aragtiyaha Facebook
Abdi asiis Mawliid: hadan fikirkayga ka hadlo aqoonsiga somaliland ku dhawaqista ka dhacday gobol katirsan uk waa fursad aad uqaaliya waayo waxay fududaynasaa oo ay soo jedinasaa indhaha wadamo badan oo reer yuruba qaar lasocday qadiyada somaliland oo u bahnaa inlagaga horeeyo iyo kuwo aan aqoonba somalilanba waa wado cusub oo ufurantay qadiyada madax bananida Somaliland.
Hadeia Osman: masha allah waa wax aad logu farxo inbadanaa wan sugaynay intaa dhimaana alle haa dhameeyo insha allah guul ayan uu rajaynayaa somaliland
Fäýĭsà Môhã Aßdí: s/land hanoooolaaato
SAid Ali: waa guul somaliland na way uqalantaaa in la aqoon sasdo waanay buuxisay shuruudihii looga baahnaa Qaranimo INSHA ALLAH waa fididoonaa.
Nimco Jaamac: Mansha alah waa farxad an lasoo kobi karin dadwaynaha u dhashay somalnd waa u maalin wayn waa guul iyo gobonimo ay is gaadh siisay jamhuriyada somalilnd wayna heli donan aqoonsi buuxa insha alah dhaman reer somalilnd habalyo
Mahamud Mohamed Hagi mohamed A isse: mohamed dheere talabaduu qaadey iyo guushu keeney. waa talaabo. hor leh. e maaha waa layna aqoonsadey......waase. guul.
Abdisamad Dayib Alle: ha u siisiyaadiyo waxaanan rajaynayaa indunida oo dhani kudayandoonto.
Ahmeddeeq Hassan:Rabiyow nooo hagaji aqoonsiga somaliland dhamaan aduniyada ha na aqoonsadan insha allah.
Gobanimo Website
Caydaaruus Maxamuud: Waan sugaynee saaka waad aragtaa dadka reer galbeedka ahi waa dad u fiirsada hadalkooda go aan kooda iyo talaabadooda siyaasadeed Sheffield na waxay ka mid tahay gobolada soo jireenka ah ee u dhuun daloola arimaha siyaasadeed ee wadanka engiriiska wax badana aqoonsigoodu wuu ka badali karaa maamulka golaha sare ee u.k so I say thanks all of you who ever been presented today.
Telefoon
Khadar Xuseen: waxa weeye laytar khadarkii oo laynoo soo diray
FG: Fadlan aragtidaada ka dhiibo mawduucan hadaad tahay Mawaadin u dhashay Somaliland ama dal kale?
Ku soo dir aragtidaada: editor@gobanimonews.com /Gobanimo news Agency/facebookpage/ gobanimo2013@gmail.com /gobanimonews linked ama toos noogu soo dir adigoo gujinaya boga soo dir maqaal
La soco qaybta dambe