Maayirka Degmada oo Xukuumadda ka dalbaday in Ceelal Riig ah loo qodo Bulshada Degmada oodweyne.
Oodweyne(GNA)-Dadweynaha ku dhaqan Magaaladda Oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh ayaa cabasho xoogan ka muujiyay baahi biyo la’aaneed oo soo foodsaartay, xili lagu jiro hoor-hoor Kaliileed oo Roobka guga la sugayo.
Magaalada ayaa Biyaha looga soo dhaamiyaa Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasoo ay ka soo qaadaan Booyaddo.
Bulshada Deegaanka ayaa dalbaday Gurmad deg deg ah iyo qorshe wax lagaga qabanayo biyo yaraanta Gobolka ka jirta, taasoo ay ku sababeeyeen la’aanta biyo Dur-dur ah ama aan wakhti ku xidhnayn oo Riig ah.
“Gobolka Oodweyne Gobollada waa ka madi si ay ku dhacdayna garan mayno”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Oday ka mida waayeelka Magaalada Oodweyne Degen.
Sarkaal ka mida dadka u dhaqdhaqaaqa Bulshada rayidka ah ayaa isaguna fariin arrinta ku saabsan Madaxweynaha iyo Hay’adaha kale ee dawladdaba u diray.
“Waxaanu Madaxweynaha iyo Hay’adaha kale ee dawladda u sheegaynaa in biyo la’aan xoogani ka jirto Magaaalada Oodweyne iyo deegaamada hoos yimaada, taasoo sababtay in biyaha looga soo dhaamiyo Magaalada Burco oo Booyado u doonaan”ayuu yidhi.
Maayirka Degmada Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse ayaa isaguna ka dhawaajiyay inaan Oodweyne ku sii jirayn inay ka cabto Dhaamamka biyo qabadka ah, balse ay u baahanyihiin Biyo Riig lagu soo saaro.
“Wasaaradda biyaha iyo hay’adahaba waxaanu u sheegaynaa Magaalada Oodweyne uma baahna Dhaamam Biyaha lagu keydiyo ee waxay u baahantahay Ceelal Riiga oo Biyaha Dhulka laga soo saaro” ayuu yidhi Maayirku.
Gobolka Daad-madheedh ayaa ka mida Gobollada ku wanaagsan dhanka Biyaha, xoolo daaqeena u badanyihiin Deegaamada hoos yimaadaa.
Lama saadaalin karo talaabada ay xukuumaddu kaga jawaabi doonto baaqan iyo qaylo dhaanta isxambaarsan ee ka soo yeedhay Bulshada Gobolka iyo Maamulka Degmada.
Hase ahaatee dhawaaqan ayaa ku soo beegmaya xili uu deegaamada ka mida gobollada dalka uu ka curtay Roobka guga oo xiligiisii la joogo.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com