Mid kamid ah Maraakiibta Soomaaliyeed ee yaala Dalka Yaman ayaa lasoo sheegayaa in uu qarka u saaran yahay Waqtiyada soo’aadan in uu badda ku dagao , kadib markii ay biyo badan soo galeen Markabkaasi.
Markabka ugu weyn Maraakiibta Soomaaliyeed ee yaala Dalka Yaman oo lagu Magacaabo Cismaan Geedi Raage, ayaa halis ugu jira in uu dago , kadib markii uu daxaleestay ayna soo galeen biyo badan oo sababi kara in gabi ahaan uu dago.
Xuseen Xaaji Axmed Qunsulka Soomaaliya ee Magaalada Sanca ee dalka Yemen, ayaa shaaciyay in uu halis ku jiro Markabka Cismaan Geedi Raage oo hada ku xiran Biyaha Yaman , waxa uuna Qunsulka sheegayay in markabka biyo badeen gudaha usoo galeen lagana cabsi qabo in uu dago.
Qunsulka ayaa ku baaqay in loo gurmado oo laga hortago in uu dago Markabkan weyn ee leedahaya Soomaaliyeed , waxa uuna tilmaamay hadii aan loo gurman in uu halis ugu jiro waqtiyada soo dhaw in uu dago.
Dalal badan oo Caalamka waxaa ku dacdareesay hantidii uu qaranka Soomaaliyeed lahaa , waxaana meesha ka baxay oo la qaatay Maraakiibtii iyo Diyaaradihii ay laheed Dowlada Soomaaliya , qaarkood ayaana dayactir la’aan u baa ba’ay intii qaranka uu dunsanaa.