Monday, April 21, 2014

Madaxda Dawladda oo Cambaareeyay Qarax lagu Dilay Xildhibaan "Muqdisho"


Reysal-wasaare C/wali: Way dhamaanaysaa Al-shabaab”




Al-shabaab: Annagaa  isku Qarxinay Xildhibaanadda”




labada sheikhMuqdisho(GNA) Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qarax saaka ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir oo dhimasho iyo dhaawac loogu geystay xildhibaano iyo dad shacab ah.




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa Tacsi u diray Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) iyo dadkii kale ee ku waxyeeloobay qaraxaasi.




 “ Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyeynayaa dilka xildhibaan Isaaq Maxamed Cali oo maanta gacan ka xaq daran ku dishay magaalada Muqdisho, kaddib markii gaarigiisa loogu xiray waxyaalaha qarxa. Waxaan Illaah uga baryayaa in uu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii iyo ehelkii uu ka tegay” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.




Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkan “ Waxaan canbaaraynayaa weerarkan aragaxisinimo ee lagu dilay xildhibaankan u adeegayey ummadda Soomaaliyeed. Waa fal dhiigyacabnimo ah oo ka tarjumaya afkaarta gurracan ee lagu banaysanayo dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayuu yiri.




 “ Waxaan u sheegayaa Kuwii geystay falkan iyo kuwo kale oo ka horreeyey oo dad qaali ah ay ku dhinteen in iyagu ay dhammaanayaan, waana laga adkaanayaa haddii alle idmo. Waqtigii iyo cimrigii kooxaha nabad-diidku waa dhamaad, iyaga ayaana khasaaraya”ayuu hadalkiisa ku daray.




Reysal-wasaare Sheikh ayaa ku doodday inaanu weerarkani saameyn ku yeelanayn sugida amniga Caasimadda iyo dalka “ Weerarkan fuleynimada ah wax saamayn ah kuma yeelanayo dadaalada iyo horumarka ka socda dalka oo dhan. Waan heli doonaa denbiilayaashii ka dameeyey waana ciqaabi doonaa si ay u eedaan ficilada xun ee ay geysteen”




 Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa faray hay’adaha ammaanka qaranka in ay baaritaan buuxa ku sameeyaan falkan guuracan, isla-markaana caddaaladdana la horkeeno dhagar-qabayaashii ka dameeyey.




Dhinaca kale, Gudoomiyaha degmada Xamar-weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir oo goobta qaraxu ka dhacay tegay ayaa sheegay in qaraxaas uu ka dhashay miino lagu xiray gaari Roonet ah oo ay wateen xildhibaano ka tirsan baarlamanka.




“Waxaa qaraxan ku dhintay marxuum xildhibaan Maxamed Riino oo gaariga waday, waxaana ku dhaawacmay xildhibaan kale oo la socday laguna magacaabo Maxamuud Cali Dhuux iyo labo ruux oo kale oo ku dhowaa goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana socda baaritaano” ayuu yiri gudoomiyaha degmada X/weyne.




xildhibaanka labaad ee ku dhaawacmay qaraxaas ayaa la dhigay Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay inuu ladanyahay oo uu ka soo reynayo xaalkiisu.




Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkan, waxaanay ku tilmaameen Hawl-galada caadiga ah ee Dagaalyahanaddooda.




Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhaleeceeyay weerarkan, waxaanu tacsi u diray Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.




Maaha markii ugu horaysay ee weerar noocan ah lagu qaarajiyo Masuuliyiin dawladda u shaqeeya.




Kooxda Al-shabaab ayaa hore digniinno ugu dirtay Madaxda dawladda oo ay ugu hanjabeen inay ku bar-tilmaameedsan doonaan meel kasta oo ay ka helayaan.




Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku cel-celiyay hanjabaaddo uu u dirayo kooxaha wax qarxiya oo uu sheegay inay soo afjari doonaan amni darada ay ka waddaan Caasimada.




Reysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa sida la xasuusanyahay laba todobaad ka hor sheegay in Magaalada Muqdisho laga sifeeyay waxa uu ugu yeedhay Walxaha loo addeegsado naf huridnimada iyo Miinnooyinka Rumuudka lagu hago ee ay addeegsadaan Al-shabaab.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com