Friday, April 18, 2014

laba Garaad Jaamac iyo Cali Khilaaf oo wadahadalo toos ah la bilaabay Somaliland


Wasiirro Somaliland ka socda Jibouti Sooryo ugu qaaday Garaad jaamac Garaad Ismaaciil+ Saylici, Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo Itoobiya wada jooga iyo wararka isa soo taraya.GNA




Rejo intee le’eeg ayaa lafa qabaa Heshiis dhex mara dhinacyadan?




wasiirada jabuti $slandHargeysa(GNA)-Wasiirro ku sugan Dalka Djibouti oo shalay ka ambo baxay Somaliland ayaa wada-hadalo halkaasi uga furmayaan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mida hogaan dhaqameedka Gobolka Sool.




Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa waxa ay walaalo yihiin Nin kale oo isna Garaadnimada Beesha ay ka soo wada jeeddaan Somaliland ku jooga oo ka mida laba ay walaalo yihiin oo ay markii Aabahood geeriyooday isku qabsadeen Saldanadda, inkasta oo Garaad jaamac markii dambe loo doortay.




Garaadka kale ee ay walaalaha yihiin ayaa waxa la yidhaahdaa Garaad Maxamed Garaad Ismaaciil, waxaana saldanadaasi ku ixtiraami jirtay Somaliland.




Garaadka Jaamac ayaa waxay isku beel ka soo jeeddaan Wasiirka Hawlaha-guud ee Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid ah saddex Wasiir oo xukuumadda Siilaanyo shalay u dirtay dalka Jibouti si ay halkaasi ugala kulmaan Garaadka.




Garaad Jaamac ayaa laba maalmood ka hor ka soo duulay dhinaca Muqdisho ee Caasimada Somaliya oo uu ka mid ahaa Isimo ka soo jeedda Gobolka Sool oo muddo dheer ku sugnaa, waxaanu u soo kicitimay dhanka Jibouti, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dadka ay aad isugu dhawaayeen.




Sida aannu wararka ku helnay waxa uu ku suganyahay Magaalada Jibouti, halkaasoo ay shalay gaadheen Wasiirrada Madaxtooyada, Qorsheynta Qaranka iyo Hawlaha Guud ee Somaliland.




Wasiirradan ayaa shalay si dhuumasho ah ugu baxayay dalka jibouti, iyadoo ay markii warbaahintu Madaarka ku gaadhayna socdaalkooda ku tilmaamay safar shakhsi ah.




Ilo-wareedyo xogogaal u ah siyaasadda labada dhinac ayaa Gobanimo u xaqiijiyay inay muddo dheer wada hadalo u socdeen, kuwaasoo aan wali nuxurka ay ku salaysanyihiin la caddeynin.




Wada hadaladaasi ayaa horey u ahaa kuwo Qarsoodiya oo Isgaadhsiinta lagu yeeshay, laakiinse waxa la filayaa inay labada Maalmood ee soo socda Wasiirrad  Somaliland iyo Garaadku si foolka fool ah u kulmi doonaan.




Garaad Jaamac ayaa ka mid ahaa Isimadda Reer Sool ee siyaasadda Somaliland ka soo horjeeday, waxaanu xubin firinfircoon ka ahaa aasaaseyaashii Khaatumo.




Laakiinse Beesha jaamac Siyaad ee uu ka soo jeeddo ayaa boqolkiiba Siddeetan Somaliland Taageersan, waxaanay degtaa Degmad Adhi-cadeeye iyo Laascaanood.




Wadahadalada Somaliland haatan u furmay waxay u dhexeeyaan heshiis uu ku yimaado Somaliland  ama is-fahmi waa “inay heshiiyaan waa laga yaabaa inaanay heshiina waa suurto gal”sidaa waxa yidhi Maxamuud oo ka mid ah Bulshada Gobolka Sool.




Wararku waxay intaasi ku darayaan in Weftiga Wasiirrada ahi lacag u qaadeen Garaadka, taasoo ay doonayaan inay ku sooryeeyaan.




Siyaasad ahaan




Siyaasad ahaan hadii la eeggo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, waa xubintii labaad ee miisaan ku leh deegaamada Gobollada SSC ee Somaliland heshiis siyaasaddeed la gala, waxaana hore maslaxad noocan ah loogu soo xero-geliyay Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo sanadkii 2013-kii dalka yimi.




Laakiinse,hadana marka dhinac kale laga eego hogaan dhaqameedkan ayaa taageero badan oo Bulsho ama deegaan ku soo kordhinayn Somaliland, waayo deegaanka uu hogaanka u yahay waa Beesha qudha ee laba Wasiir ku leh xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo beelaha Gobolka Sool, isla markaana si buuxda u taageersan mawqifkeedda.




Si kastaba ha ahaatee Qorshe kasta oo Isinkan lagu soo geliyo Somaliland ayaa dhabar jab ku ah Kooxda Khaatumo oo isimaddii aasaasay qaarkood dhinaca Puntland u janjeedhaan hada, isla markaana shirar la aamisanyahay in Garoowe laga abaabulay uga socdo degmada Boocame.




Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac Garaad Cali




garaad-jaamac2Dhinaca kale, ilo-wareedyo maalmahan laysla dhex marayay ayaa tibaaxaya in wada hadalo aan wali foolka fool ah u dhicin u socdaan Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Somaliland.




Cali Khaliif oo ay xaga siyaasadda isku aragti ahaayeen muddo dheer Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante ayaa ku sugan dalka Itoobiya, halkaasoo ay muddo bil ka badan ay joogeen isaga iyo Garaad Jaamac.




Labada xubnood oo Miisaan culus ku leh iyaga laftoodu Khaatumo ayaa la sheegay in khilaaf soo kala dhex galay hogaamiyaha Taleex jooga ee Khaatumo Indho-sheel iyo xubno ka mid ah maamulkiisa.




Khilaafkaasi iyo dhacdooyin ka horeeyay oo Maamulkaasi liciifiyay,  ayka mid ahaayeen talaabadii ay Axmed Karaash iyo Col. Biindhe dhinaca Puntland ugu galeen, ayaa Cali Khaliif iyo Garaad Jaamac ka niyad jabiyay aragtidii ay Khaatumo wax uga aasaaseen.




Sidaasooy tahay waxa hada isa soo taraya wararka ku saabsan inay wadahadalo u socdaan Somaliland, iyadoo uu todobaadkana wasiir ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo si kedis ah arrintaasi uga hadlay, soona dhaweeyay.




Wadahadaladaasi oo aanay caddeyn goorta ay bilaabmeen iyo halka ay marayaan, ayaa soo shaac bixiddoodu ku soo beegantahay maalmo ka dib markii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Socdaal aan aan ilaa hada faahfaahin laga helin uu ku tegay Caasimada Itoobiya ee Addis-ababa.




Cabdiraxmaan Saylici ayaa safarkiisa lagu tilmaamay mid shakhsi ah, hase ahaate markii ay wararkani soo baxeen waxa muuqata in booqashadiisa dalkaasi arrinta wada hadalka Cali Khaliif qayb ka tahay.




Saylici ayaa la filayaa inuu maalinta Berri ah dalka ku soo laabto, iyadoo aan wax tafaasiil ah laga haynin booqashadiisa Itoobiya oo uu markii hore ku sheegay mid shakhsi ah




Waxaana taasi sii tahkiidiyey arrintan ee ku saabsan kulanka Jabuuti ku dhex maraya Wasiirrada iyo Garaad Jaamac Garaad Cali oo ay isku wakhti ku soo beegmeen, isla markaana Xukuumaddu qarisay  bixitaanka labada wefti ee Saylici iyo Wasiirrada Xirsi hogaaminayaa.




Akhriste Warkan ka dhiibo aragtidaada




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com