Waxan marka horre Idin ku salmayaa Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland Salaanta islaamka (asalamucalaykum waraxmatullah wa barakaatu).
Bacda salaa waxaan doonayaa In aan Daaha saran ka dul qaado Suurtag nimadda Hadallo maalmahan Isa soo tarayay oo kasoo baxaya Xagas u Gumaystihi Ingriiska gaar ahaan Magaalo kamid ah magaalooyinkiisa oo La yidhaahdo(shefeild_)ama sida ay dadka dagani u yaqaanaane (shefeild wendesdey) oo ah (shifiildh tii arbacadda) lasheegey In ay doonayaa in ay ictrafaan Somaliland arbacadda soo socotta.
Aan Hadaba guddo gallo samayn intee Leeg bay ku yeelan karaan Sheifeldtasi aqoonsiga Somaliland.
Markas ta Su’aasha Dadkuunu ayney Is waydiin Hadanna meesha taala I waxay tahay.
1.Yaa Wax aqoonsadda ?
2.Xilimaasay wax aqoonsadaan.?
3.maxaa soo raaci karra Intaa ?
1.waa tan Koowaade waxaa sida sharciyadda Calamiga ah ama Hab maamuska dawladnimaduu ku jirto wax aqoonsadda Dawladda dhexe ama waxa afka qalaad lagyidhaahdo (CentralkaGovernment) Dawladda dhexe awood buuxdana Iyadaa U leh Marka aynu ka hadlayno (reconition of onather state_)(aqoonsiga dall kalle) ……………….
Dawaladaa dhexe oo u kala baxaysa Executive … Lagislative ..and Judicairy (Fulin’sharci dajin ‘maxkamiddi.) Fulinta oo Igu wayn waxana u qaabil san Dalka ugu badnaan xaga siyaasaddda arimaha dibada In ay HADII HAWL ARRIMO DIBADEED WADDO wax qaybaha kala duwan
ee dowlada dhexe ka koobanthay siiba Golayaasha barlamanku u hogaansamaan waxaas ay keeentahy Fulintu waxaa laga yaaba inuu Midho dhal sameeyo ……………..
Tusaale.
Cremia oo Ahyd Gobol Ka ta Tirsanayd Ukrain Kadib Fowdooyin badan waxaa Loo Codeeyey In Cremia Goosato Shaacisanna Dalka madax banana Ukrain Inteeda kale Taasi Oo Dawladda dhexe Ruushku calanka ay u sidaan Fulintoodu ay Sharci Dajinyta waa Golayasha barlamanka ay u geeyeen sidaas Na ay kU ansixiyeen Ictiraafka JAMHUURIYADDA Cremia.
E.g Imika Hadaba Waxaynu %90 Isla Fahany Cidda wax Aqoonsataa Inay Tahy Dawaladaas dhexe ee dalka matasha.
2.Xilimaana wax aqoonsadaan
Waxay aqoonsadaan markay Danahooda Siyaasi Dhaqaale Militry ah ay arkaan inay kaa heli karaan ‘’’’’’ Iswaydii Akhriste yaatahy aduu Nin reer Somaliland soo maaha dee ? haa Hadaba ka Fikir danta manta Nimankaa reer galbeed ee manta dunidda Calanka U sidaa ay Inaga heli karaan (gulf adan) sedex daa nooc ee bahiyoodba ay ka helli karaan oo kor aynu kusoo sheegnay oo mihiim ah.
Carabta Hadaynu soo qaadano Maanta Majirto Nin carabba Ooo Xiniyo leh oo odhanaya Wxaan ku dhawaaqey aqoonsiga Somaliland sababtu iswaydii mUwaadin maxay thay uu saa U samayn laayahy Ma taageero ama siyaasadiisu maaha Kala Go’go wadamadda Xidhiidhku ka dhaxeeyo ama asaliyanba waayo isagaa Kala go’go’aya.
Danta lagu aqoonsadey South sudan.
South Sudan.
1.Shidaal badan ay uga dan leeyihin .
2.Milatry ahaan Ooo Meel Fiican Ku taalo’oo dhowrdal xuduud la leh oo Qaska sifiican looga abuuri karo dalalka ay Xuduudka la leedahay.
3.Bulsho ahaan oo looga faa’idaysankaro waayo maskaxdoodu waa madhantahy Nimankaas Imaka soo ilbaxaya oo waxay dawladnimaddu thay baranaya oo dagaal kazoo baxey markaas wixii fikir reergalbeed ku wataan way ku shubayaan De Ileen Jirkaan Madhan Biyo Waa Lagu dhansadaaye .
3.Maxaa soo raaci karra?
Caalamkan aynu ku nool nahay Waxaa Jirrra wax Layidhaahdo( Economic Hitman)(dagaalka ku salaysan xaga dhaqaalaha) markaas waa mid market ka iyo furasadaha ganacsi la’isku laynayo Bal eeg dalka yare e Singabuur wuxuu noqday badhtamihii xidhidhinaya Ganacssiga Ka imaada Bariga Aasiya Iyo Galbeedka Aasiya.
Bal hadaba Inaga oo Si Dabiici ah ilaahey Dhulkan uu inagu beery Bal eeg waa halkii laba qaaradood ku kulmi lahayeen Gnacsi gooda Laba goosood ki ihi.(Africa iyyo asia ah ba)
Waxaa Intas ii soo Raacda Shirkado Danahooda watta Ooo mudo Lacag shiigashada meel ama waxa aynu ugu yeedhno maalgashiga way jiraan Dalka Taiwan Lama aqoonsanna haddanna waxa Ka shaqeeya Ku dhawaad 165 Warshadood oo Ajaanib ah ama reer Taiwan aan ahyn .
Dhaqalaaha Dalka Taiwan waa uu ku xidhanyahy halkaas uunn baynu odhan karnaa somailand wa sidaas uun way iman karaan ictraaf la;aan dhowrkaa boqolle shirkadood ee reer galbeed ah/
Lakiinse su”aashu Waxa Tahy Waar Yaa keenaya dhowr kaa boqolle Warshadood Ma Aqoon daraa Inga Haysa garan mayo walaahi waa waxa Mid walibaaba In uu Kursigaa xun ee xaraanta ah doonayo inuu fadhiisto kama fikirayo maxaa Dalka u Danna.
Hadda Dawladaha Hoose maxay aqoonasadaan wataase bal Burco may aqaansato cremia ka go day ukrain kkkkkk ma been bay isku sheekaynaa oo aynu isku maawaalinaa.
Intaas waxaa ii raacda 2013/10 waxaa Tabar Xagga Kobcinta Arimha Siyaasada Ka Socday Hotel Ampasodor oo waxaa qabatey Hayaddda IRI Xisbiga Republican Maraykan ka kasocota oo aan ka qab galay.
waxaan is baranay gabadh Mayorka ah Magalo (simonalla) La yidhaahdo oo ku taal (state of Florida ) meraykanka oo magaceedu ahaa Mayor Lelia Water’s kadib is warasi dheer waxaanu kawada hadal ney arrimha siyaasada Arimaha dibada ee dalka .
sidaanu u murmaynay ayay xaajo soo id laatey waxaan ku idhii ee yaahe Mrs Water;s hanna xiijinne aduuu Moyor ahaan maxaad aqoonsiga Somaliland ka gaysan kartaa ama wax katari kartaa.????
isma bay dhamin gabadhiiye waxay iigu jawaabtay /
(AM jUSt Moyor. Am Just Local administrative I cannot Influiance American Foreign Policy)
Annigu waxaan ahy uun Kaliya Maayiradd anigu waxaan ahy mamulkaa Gudaha magalaadasi oo kaliya ah Anuu saamayn ku ma yeelan karo siyaasadda arimaha dibadda ee dalkayga Maraykan.
Afoow juruq dhagayna Jalam.
Sidaas daradeed waa in aan la hungoynin umadd u ooman aqoonsi oo aad ku leedihiin xashiish laa ama nin qashin gura ahidin aqoonsadey oo markaas ictraafey Somaliland.
Markaas umaddu waxau u baahanthay Jiheeye Cilmiyaysan dhinac ah Ka bulshaawi saaxibo badan caalamku leh Furfuran Adkaysi siyaasadeed leh .
Waxay umaddo u baahanthay Goob Cilmi baadhineed oo ka faalata uun siyaasadaa arimha dibadda iyo sida Aqoonsi loo helli karro (School of thougth)(dugsi fkir)
(Asalamucalaykum.)/
Mr.Abdirisaaq Mohamed Shaqale
Second Year Of Admas University College.Political science and international relation.
Political analyst. Foreign Policy Analasis.