Wednesday, April 23, 2014

Haatuf iyo Xeer ilaaliyaha Xiiqsan yaa u kala xaq qaadaya?


xuseenBy: Xuseen Badmaax




Xukuumada ka talisa waxaynu ku naqaanay inay si badheedh ah oo dastuurka baal marsan u xayirto saxaafada madaxa-banaan.weliba falkii ugu foosha xumaa ee dilka lala beegsaday mulkiilahii iyo tafatirihii wargeyska Hubaal ayaa ilaa maanta xaq-darro iyo sharci darro ku xidhan,raggii ciidanka boliska ka tirsanaa ee falka loo adeegsadayna faraha laga qaaday ayaga oo aan sharciga la hor keenin.Falkaa oo madaxa la galay wasiir ku-xigeenka wasaarada arrimaha gudaha ee amniga.Awood sheegashadaa loo adeegsaday xayiraada wargeyska Hubaal tan iyo maanta xeer iyo dastoor toona looma marin,mid dhaqana iyo mid shareecana looma marin ilayn dhaawac ayaa jiraye oo ku talo gal dil ayaa arrinku ahaaye.Iga dheh uun xukuumada sharci ma qabto,waxna lagama sheegi karo,lamana dhaliili karo.




Waxa iyana xukuumada ku biiray xeer ilaalinta guud ee qaranka oo ku raacday xaqdarrada lagula kaco saxaafada madaxa-banaan kadib markuu xalay xeer ilaaliyaha gobolka maroodi-jeex uu difaac indho la’aan ah la soo fadhiistay media-ha,kuna dhawaaqay isagoo xiiqsan (Dacwadii ku lidka ahayd Haatuf waa taa aan gacanta ku hayo ee ha yimaadaan oo hanala doodaan!!!).Markaa xeer ilaaliyaha gobolku ma waxa uu u jeedaa wargeyska Haatuf ha nala doodo mise mulkiilaha iyo cidii ka masuulka ahaa qoraalka xukuumadu ka cabanayso ee ay ku xayirtay Haatuf iyo website-keeda!Hadii ay ula jeedadiisu tahay mulkiilaha iyo masuuliyiinta qoraalka ku soo bandhigtay wargeyska haatuf waa maxay sababaha ay u xayiran-yihiin wargeyska Haatuf iyo website-ka haatuf? Ma jiro qodob dastuuri ah ama xeer ah ama shareecada ah oo caday-naya in la xayiro institution ka tirsan saxaafada madaxa-banaan balse hadii mulkiilaha ama tafatirayaasha mid ka mid ah saxaafada loo qabsado fal denbiyeed uu galay waxa la hor gayn karaa sharciga dalka.




Waxa halkaa inooga cad xeer ilaalintii qaranku inay la jale noqotay xukuumada oo ay isku raaceen cabudhinta saxaafada iyo xayiraad abadiya ah oo lagula kaco xarumaha institutions-ka saxaafada madaxa-banaan ayada oo aanay jirin wax sharci ah oo sidaa faraya.Wax kale maaha ee waa awood sheegasho,waayo wax sharci ah oo talaabooyinkaa loo adeegsaday ma jiraan.Bal hada xukuumada iyo xeer ilaalintu ha cadeeyaan sharciga ay adeegsanayaan.




Waxa aan xukuumada ugu baaqayaa inay si dhakhsaa labada wargeys ee Hubaal iyo Haatuf uga qaado xayiraada,lana hor keeno sharciga cida eedaynta ka masuulka ah.Kalana dhex gasho Haatuf iyo xeer ilaaliyahan xiiqsan.Waynu ogayn waxii innaga soo maray cabudhinta iyo carr-juuq dheh,cadaadin iyo awood sheegasho.Waxa aan leeyahay yay-naan raadkeenii dib u raacin.




Xuseen Xasan Badmaax




Xoghayaha Xuquuqul Insaanka




UCID Party




Hargeysa/JSL