Hargeysa(GNA) -Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Agabka ee Somaliland Cali Maxamed Cabdalla (Bikolo) ayaa sheegay in dalka la keeno alaabooyin aan asal ahayn ku waasi oo ah ku wo foojariya,waxaana uu uga digay ganacsatada somaliland inay shacabkooda u keenaan alaabo aan taayadoodu fiicnayn.
Cali Maxamed Cabdalla (Bikalo) oo maanta Warbaahinta ugu warmaayey Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in baadhitaano iyo daraasado badan oo ay sameeyen ku ogaadeen in alaabta dalka la keeno ay u badan tahay mid foo jariya.waxaan ka mid ah hadalkiisii:
“ Waxaanu daba gal ku haynaa oo u Kuur gal aanu samaynayna ku Ogaanay inay Jiraan Alaabooyin Macmal ah oo loo soo eekaysiiyo, kuwo hore dalka looga isticmaali jiray oo dadka qaar si dalka u soo galiyaan, mararka qaarna lagu qabto. Aad iyo aad ayaanu Runtii arinkaas Hawl gal uga jiraa waanuna jeclahay inaanu soo qabano dadka waxyaabaha noocaas oo kale ah gacanta kula jira.
Cali Biklo oo hadalkiisii sii wata waxaa uu yidhi: “ Waxaan aad iyo aad ugu adkaynayaa dadka Ganacsatada ah ee wax keena,ugana digayaa, inay wixii Alaabo dhacday ama xun ee yaala Goobahooda ganacsi ay iska diyaariyaan. Cidii lagu qabto wax dhacay oo ay meel ku qarinaysay waxay mutaysanaysaa Ciqaab. Dadka iyagu waxaas sameeya waxaabahaa Macmalka ah ee meelahaa lagu qarqariyo, ee yeesha ee gacantiisa loogu yimaado wuxuu ka dhigan yahay Qof musuqmaasuq ku sameeyay wadanka iyo foojari, waxaanan marin doonaa dacwadiisa Xeer Ilaalinta.”