Thursday, April 3, 2014

Golaha Deegaanka Burco oo beeniyay inay ridayaan Maayirka iyo ku-xigeenkiisa


DeegaanBurco(GNA)-Xildibaano ka tirsan Golaha Degaanka Burco  ayaa waxba kama jiraan ku tilamaamay warar warbaahinta lagu baahiyay oo lagu sheegay in xildhibaanada qaar ay olole ugu jiraan inay maayarka iyo ku xigeenkiisa ay ridaan.




Xildhibaanada oo shir-jaraa’id qabtay Maanta ayaa ku doodday in 21 mudane ee Degmadu isku duubni ku shaqeeyaan.




''anigu waxaan ahay Xildhibaanka ugu da'da wayn ee la qoray waxaa lagu maahamaaha nin wayni waa ogyahay goor waa beryo hadii ay wax jiraan waan ogaan lahaa,waxaa la qoray ee la leeyahay cid baa la ridyaa ma jiraan waa been abuur,waa niman aanu ku kalsoonahay magaaladu ku kalsoonatahay heegan u ah inay dadka iyo dalka iyo degmada u shaqeeyaan,waxaan ogahay oo guux ah ama cid aan dhexdhdexaadiyay toona ma jiraan golahu 21 ku waa isku duuban yahay”sidaasi shirka jaraa’id ku sheegay Xildhibaan Maxamed axmed Maxamuud(Diigool).




Xildhibaan Diigool ayaa intaasi ku daray “labada nin ee maayarka iyo ku xigeenka anakaa dooranay oo iska xulay wax ceeba ah iyo dhibaato toona anaka iyo shacabkuba mid kaayona kuma hayno”




Xildhibaan C/risaaq Xuseen obsiiye(Shiine) oo isna ka mid aha Xildhibaanada sheegay in laga been abuuray ee la yidhi Maayarka ayay ridayaan ayaa warbaahinta u sheegay'' halkaan waxaan ku arkaayay  mareego lagu qoray Fulintii ay doorteen Magacyadayda ayaa ku jir waa been baan leeyahay oo aniga magacayga ayaa ku jira waxaan leeyahay anakaa dooranay waanay mahadsanyihiin shaqadoodana way haystaan wax dhaliil ah oo aanu u hayno iyo wxanu ku ridnaa toona ma jiraan,waxaan leeyahay qofku hadii uu wax iska qoro iyadoonu i arag dee isagay u xuntahay”.




Xildhibaan Ibraahin Jaamac Basaale(Gaboobe) ayaa isna sheegay inuu ka mid yahay raga laga been abuurtay isla markaana aanu ogayn wax khhilaaf ah oo golahooda ka jira,cidii awaxaas qoratayna ay dab gali doonaan.




sidoo kale Xildhibaan kayse ayaa  warkaas waxba kamajiraan ku tilmaamay.




Maayir ku-xigeenka Burco Muxumed Jaamac Oday ayaa dhawaan Gobanimonews u sheegay inay wada shaqayn iyo isku duubni shaqada ku wadaan Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco.




Hase ahaatee curashada daruurta lagu gil-gilayo Maayirrada sanad iyo badh jirsanaya bisha dambe ayaa todobaadkan ka hoortay degmada Caynabo ee Gobolka Saraar, ka dib markii Golaha Deegaanka ee degmadaasi xilalkii ka tureen Maayirkii iyo ku-xigeenkii degmada.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office