Muqdisho(GNA) Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu hadda ka socdaa degmada Balcad ee gobolka Shabellaha dhexe kaasi oo udhaxeeya ciidamo kawadatirsan dawlada Somaliya.
Dadka deegaanka ayaa waxay sheegayaan in ciidan ka ambabaxay Muqdisho ay gaareen degmadaasi laakiin dagaal uu kala horyimid gudoomiyihii xilka laga qaaday ee degmadaasi Cusmaan Xaadoole.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ah mid socda.
Wixii ka soo kordha wararkayaga dambe ayaanu idiinku soo tabin doonaa