Tuesday, April 22, 2014

Aragtidii Hoggaamiye Cigaal Ee Qalalaasaha Somalia Iyo Mawduucyo Kale Oo Xiiso Leh Qormada: 7aad


“Markaa waxaanu isla garanay in faraha laga qaado, oo sidoodaa loo daayo, laakiin, qaynuunka cusubi ‘Irshaadaat’ ka bixiyo mas’uuliyadda oo ninkii caytama, qofka uu doono ha ahaado e’ uu qofkii la caayey uu heli karo, oo uu Maxkamad tegi karo, laakiin waxaanu isla garanay, in aan xorriyadda la taabanin.




 




Qaynuunku, xagga saxaafadda ayuu ka yimid oo iskaashi aanu sameyn lahayn, waanu se oggol nahay inta aan Baarlamaanka la hor geyn, in aanu idin nidhaahno ra’yi waxa aad ka qabtaan keena, waxaana fiican in aad sameysataan Jimciyad aanu ku soo hagaagno.”




 




Isla maalmahaa ay la joogeen wefdigaa ‘Congress-ka’ Maraykanka ahi ayuu hadlay xisbiyada siyaasadeed, waxaanu yidhi:




 




 “Axsaabta, dhakhso ayaanu u furaynaa, oo iyagana sida saxaafadda, waxaanu u sameynaynaa (Xeer Tilmaameed) sida in aanu noqon xisbigu: xisbi qabiil ama Gobol uu noqdo Xisbi ummadeed (National Party) laakiin fikirkooda iwm, iyagaa sameysanaya.”




 




Tallaabadan xisbiyada lagu sameeyay waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu mudan ee ay taariikhda culani ku xusi doonto Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal.




 




8/2/1998kii mar uu booqasho ku joogay magaalada Paris ee xarunta dalka faransiiska ayay BBC-du wareysatay. Galabtaana halkudhegyada aanu ka soo qaadannay waxa ka mid ahaa mid uu si gaar ah ugaga hadlayay keli-talisnimada iyo fikirka uu ka qabo, waxaanu yidhi:




 




“Ceeb baan u aqaan Keligii Taliyaha. Waxaan u aqaan, nin aan isku kalsoonayn, oo aan arrinkiisa dood ku dhammeysan karin oo doonaya, in uu af-duub ku dhammeysto. Markaa ceeb ayaan u arkaa, arrintaa iyada ah, Wasiirradana raggii meesha ka tegay in aan wax ceebeeyo ma doonayo, laakiin, nin aan ka gar-darnaa ma jiro.”




 




Mudane Cigaal isaga oo ka hadlaya dhinaca dhakhaatiirta, wuxu yidhi:




 




“Caalamka ma jirto dhakhtarnimo lagu taajiraa, xitaa kuwa wadnayaasha isku beddelaa, xaaskooda ayay biilka kula xisaab-tamaan, dhakhtar-nimaduna waa ‘Profession’.




 




Cigaal isaga oo sii faah-faahinaya wuxu yidhi:




 




“Nin ayaa la weydiiyay dhakhtarkee ayaa ugu wanaagsan, wuxuu ku jawaabay: “Kii qofka buka raalli-galiya, sidaa darteed, dhakhtarnimadu ma aha Degree ama shahaadad ee waa naxariista.”




Hoggaamiye/ Madaxweyne Cigaal 1997kii mar uu dadweynaha kala hadlayay dareenkooda iyo sida ay u mooggan yihiin danahooda, iyada oo la dul joogo lafihii Malko-durduro ee daadku soo saaray, Odeyga waxa laga guntay:




 




“Inta arrinkeenu yahay dhandhamo-raac ee aynu leenahay maxaa aniga la ii qabanayaa ama danteennu ku dhisan tahay mid qabil, mid qof, mid qoys... mijin Jaad ah caqligeennu la mid yahay waxba inoo hagaagi maayaan.... taa shalay dhacday ayaa berrina dhici doonta.”




 




Bal hadda aynu u gudubno 30kii Meey, 199kii iyo khudbad uu ka jeediyay Kheyriyada oo kaga faalloonayay dawladnimada iyo marxaladda kala-guurka, waxaanu yidhi Hoggaamiye/Madaxweyne Cigaal:




 




“Dowladnimadeennu ilaa maanta waxay ku dhisnayd hab beelo ka soo baxay, ilaa maanta aynu meel fiican ku gaadhnay, hab-beeleedkii aynu aasaaska uga dhignay dowladnimadeenna, halkii uu nidaamkaasi ina gaadhsiin karayeyna dhamaadkiisii ayeynu maanta joognaa. Waxa loo baahan yahay  in aynu maanta tallaabadii labaad qaadno, oo qabiil qaran ku beddelno, ‘cahdiga’ maanta dhamaaday mid loo baahnaa ayuu ahaa, oo ay lagama maar-maan ahayd in aynu ku dhaafno oo kaga baxno ‘fowdaddii’, qaskii iyo isku-taagnidii ay xabbaddu iskugu keen jirtay ee qoloba qolo hiifsanayd ee hagar-daameynaysay




 




Waa Hoggaamiye/ Madaxweyne Cigaal oo weli sii wata hadalkiisii, waxaanu intaa hore ku kaabay:




 




‘Maanta Min-fadli Laahi’,  waa la wada joogaa nabad iyo wada-dhaqan ayeynu haynaa, haddii se la rabo in ujeeddooyinkii, qarannimo iyo dawladnimo ka dhabayno waa in aynu tallaabo cusub qaadno oo aynu qaran noqonno, taas oo qudha ayaa baasaaboor ah oo mujtamaca caalamka kaga qeyb-geli karnaa. Inta hay’adaheenu  ku dhisan yihiin beel iyo qabiil ee qarankani qiimo lahayn oo hiil iyo u halgan toona haysan, ma Ictiraafayo Caalamku qabaa’il isu tegay oo mid waliba ay iskeed u madax-bannaan tahay oo ay taladeedu gaar u tahay .




 




Mujtamaca caalamku xeer buu leeyahay, xeerkaasi waxa u horreeya in cidda ka mid noqonaysaa tahay qaran, qowmiyad isku xidhan oo ujeeddo qudh ah leh, oo guddoonkoodu fuliyo oo lagu aammini karo, waxa keliya oo taas caddeyn kara oo u markhaati kacaya, marka aynu Dastuur habaynno oo aynu qaadno cod afti ah oo shacbigu ku ansixiyo Dastuur ay raalli ka yihiin oo ay kalsooni ugu codeysay aqlabiyadda shacbiga Somaliland.




 




Waxa kalsoonida keenaya doodda ay labada Gole ee Baarlaamaanku ay ku doodeen oo ay qodob-qodob u qaadaa-dhigeen, faqrad wal oo Dastuurka ka mid ahba, ka dib markay Golayaashu soo dhammeeyeen, haddana Raadyaha ayaa qodob-qodob loogaga akhriyay, shacbiga si tifa-tiran loogu sharraxay oo loogu fasiray, qodob wal oo Dastuurka ka mid ahba.”




 




Geeridu waa xaq e’ maa daama ay si kedis ah ku timid laga wada nax. Ma ahayn naxdin Somaliland ku kooban bal se Soomaali inteeda badan xadanto iyo xaradhaamoba waa ay ku yeelatay. Sohdimaha Soomaaliyeed naxdintaasi waa ay ka gudubtayoo dad iyo dalal kalena saameynteeda ayay ku yeelatay. Dhambaalladii tacsida ahaa ayaa ilaa muddo socday, gogoshaa badatay, meerisyada Quraanka ah ayaa la wareejiyay, tusbaxaa la rogay, raatubkaa la riday, afaf badan ayaa loogu duceeyay.




 




Geeridiisii iyo aaskiisiiba ididiilo hor leh ayay ka dhaliyeen gude iyo dibadba. Yuhuunta, kalgacalka, isa-saamaxa iyo isu-soo-dhawaanshaha gudaheenna ka dhashay waxa u dhigmayay ka dibadda ka dhashay, gaar ahaan Soomaaliya iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbo-joogga ah.




 




Xasan Bariise oo magaalada Muqdisho BBC-da uga soo warramayay wuxu maalmahaa inoo noo sheegay in dadweynuhu ku soo xoomeen idaacadda iyaga oo ka naxsan geeridaa isla markaana ka tiiraanyaysan aayaha danbe oo Somaliland oo ah meesha ugu deggan. Wuxu intaa ku daray in ay werwer iyo walaac badan ka qabeen in dagaallo hor lihi ka curtaan oo xukunka la isku laayo, bal se ay degeen markii ay maqleen Madaxweyne ayaa la doortay. Waa shacbigii ma-kasta iyo maatada ahaa ee Muqdisho. Waa dareen la yaab leh oo mudan in laga mahad-celiyo. Dareenkaa mid la mid ah ayaa ka abuurmay halkanna oo shacbiga Somaliland sidaas oo kale ayay uga xun yihiin deggenaansho-la'aanta ka taagan Soomaaliya. Intaas oo keliya ma aha e’ waxay diyaar u yihiin in ay walaalahood gurmad u fidiyaan tamari meel ay dhigtaba. Bal hadda aynu eegno dareennadaa Muqdisho ka dhashay qaarkood sida ay Jamhuuriya inoogu soo gudbisay. Waxa aan xiganayaa Jamhuuriya, Vol. 11, cadadkii 1796 ee ku taariikhaysnaa 14/5/2002da. Waxa ay qortay:




 




(La soco……………………………………….)