Siday kuulla Muuqdaa Aqoonsiga Somaliland ka heshay Sheffeild Council, maxayse ku soo kordhin kartaa diblomaasiyadda gudaha?.
Shacbiga Gudaha ku dhaqan iyo Madaxweyne Siilaanyo oo soo dhaweeyay aqoonsiga.Warbixin
Hargeysa(GNA)-Golaha Deegaanka Magaalada Sheffeild ee dalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay aqoonsadeen madaxbanaanida Somaliland maanta oo arbaca ah.
84 mudane oo ka mida aqalka Deegaanka Degmada ayaa ogolaaday go'aankan oo ah kii ugu horeeyay ee ay somaliland ka hesho dunida 23 sanadood oo ay xoriyad iyo nabad-gelyo haysatay.
dad badan oo Somaliland u dhashay ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay talaabadan.
dadka arrintan la socda ayaa isweydiinaya waxa somaliland uga soo kordhaya ictiraaf ay ka hesho deegaan sidan u kooban.
laakiinse inta badan mawaadiniinta somaliland u dhashay iyo Dawladdaba waxay uga dhigantahay guul laba waji xambaarsan, mid siyaasaddeed iyo mid dhaqan.
waa mid diblomaasiyaddeed iyo mid iskaashi bulsho ay shucuubta sheffeild iyo Somaliland wadaagaan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo dhaweeyay go’aankan, laakiinse kumuu deg degin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan mawduucan.
Khadar Xuseen oo wax ka qora Arrimaha Siyaasadda Somaliland ayaa Gobanimonews u sheegay in faa’idada ugu horaysa ee ictiraafkani noqonayso dib u soo noolaanta rejadii aqoonsi raadiska Somaliland.
Laakiinse macno badan ma samaynayso ayuu yidhi hadii halkaa lagaga hadho oo aan la sii ambo qaadin.
Wariyaha Gobanimonews ee Gobolka Togdheer ayaa ku soo waramay in arrintan si weyn looga soo dhaweeyay Gobolkaasi, ka dib maalmo hadal haynteedu socotay oo la sugayay natiijada maanta soo baxday.
Dadka qaar ayaa dhiiranaanta Golaha Deegaanka ee go’aanka fuliyay ku macnaynaya mid waji ka sal balaadhan sida la moodayo xambaarsan, taasoo ay dawladda sare ee Ingiriisku ku lug leedahay.
Ingiriis iyo Somaliland
Ingiriiska ayaa ka mida dalalka reer Galbeedka ee saaxiibka dhow la ah Somaliland.
Gobollada Somaliland ayaa ka mid ahaa Dhulkii uu Ingiriisku xukumayay Xiligii Gumaysteyaashu Qaarada Afrika xukumayeen.
Waxay dawladda Uk ka mid tahay dalalka Taageerada ugu badan siiya Somaliland xaga dhaqaalaha,Siyaasadda iyo dib u dhiska.
Hase ahaatee hadana waa waxa uu ka mid yahay waddamada dhinaca afrika isaga riixa Aqoonsiga Somaliland.
hadaba adigu sidaad u aragtaa aqoonsigan.
furre ma u noqon karaa ictiraaf Caalamiya oo uu dalkan 23 jirsaday helo?
saameyn intee le'eeg ayuuse go'aankan Council-ka Shefeild ku yeelan karaa Siyaasadda arrimaha dibada iyo gudaha ee UK?
Fadlan aragtidaada ka dhiibo meel kasta oo aad joogto si mawduucan looga faalloodo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com