Boorama-(GNA) Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu;min Seed ayaa shalay galinkii danbe u anbabaxay dalka Jabuuti isaga oo sii mari doono Gobolka Selelel degaano ka mid.
Safarkan gudoomiyaha ayaa waxaa ku wehilinaya Xoghayaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) iyo xubno kale oo heer Qaran iyo heer gobol waxaana wararku ay sheegayaan in ay martiqaad rasmiya ka heleen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan xukuumada Jabuuti.
Dhanka kale ilaa haatan war sugan lagama soo saaran safarka intaas baaxadiisa le’eg ee ay socdaan mas’uuliyiintan sarsare dhinaca xisbiga waxaase jirta tan iyo intii ay xisbiga WADDANI iyo Xukuumada Axmed Siilaanyo xurgufta siyaasadeed ee xoogani soo kala dhex gashay in xibigani bilaabay dardar siyaasadeed oo culus oo ay xidhiidhka wadamada Jaarka ah xoojinayaan iyada oo aan la socono gudoomiye cirro in si maqaam ka saraysa Madaxwayne Siilaanyo loogu maamusay munaasabadii maalinta dhaqanka itoobiya ee ka dhacaysay magaalada Jigjiga halka Madaxwayne Siilaanyo wajigabax uu kala soo hoyday habmaamuskii lagu qaabilay isaga iyo waftigiiisa.
Safarkan Gudooiye ku xigeenkuna waxa uu qayb ka yahay dadaalka siyaasadaysan ee Ruugcadaaga Siyaasiga ah ee Gudoomiye Cirro guntida dhiisha iskga dhigayo sidii uu u samaysan lahaa xulufo siyaasiyiin ah oo ku nool dalalka jaarka ah maadaama uu u tartamayo booska Madaxtinimada Somaliland waqtiga Dhaw.
Wixii warar ah ee ka soo kordha safarka Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI Waxaan idinkula soo socodsiin doonaa wararkayagan kan xiga insha allah ee ku xidhnow Gobanimo news.com
Mustafe caraale
Gobanimo news.com
Borama/Somaliland