Saturday, December 21, 2013

Somaliland: Shirguddoonka Wakiillada oo Eedeymo kulul isu jeediyay. Dhegeyso


Baashe iyo Dr. Cali Yuusuf oo daaha ka rogay Eedeymo ka dhan ah Guddoomiyahooda, ka dib markii saaka cidla la diray”Dhegeyso




Hargeysa(GNA)-Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku gacan saydhay  aqbalaada Isku shaandheyn lagu sameeyay Guddi hoosaadyada Golaha Wakiillada oo maanta la ansixiyay.




Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf ayaa af-duub ku tilmaamay talaabada lagu ansixiyay isku shandheyntaasi.




Labadan xubnood ayaa sheegay inay maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiyeen Dacwad ka dhan ah Guddoomiyahooda iyo talaabada lagu ansixiyay guddiyada la magacaabay.




Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Wakilllada Baashe Maxamed Faarax oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Guddoomiye Cirro meesha ka saaray qaab dhismeedkii Golaha iyo saami qaybsigii ay ku dhisnaayeen Guddi hoosaadyadu.




“wuxuu waxan u samaynayaa Beelo gaar ah ayuu dan kaga doonayaa oo uu sharciga u jabinayaa”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “Cirro wuxuu isku hayaa laba xil oo aan isqaban, waxaanu xaruntii Golaha ka dhigay Xafiiskii waddani”.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Cali-yuusuf.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka labaad Dr. Cali Yuusuf ayaa sharci daro ku tilmaamay ansixinta Guddiyada la magacaabay ee Goluhu maanta ansixiyay.




Wuxuu arrintaasi ku tilmaamay afduub lagu sameeyay dhismihii hore iyo shaqadii ay umadda u hayeen.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Cali.mp3"][/audio]




Hadalkan labada Guddoomiye ayaa ka dambeeyay ka dib markii Golaha wakiilladu saaka ansixiyeen isku shaandheyntan iyo kal-fadhiga 23-aad ee Golahaasi.




Mudaneyaasha golaha ayaa intooda badani soo dhaweeyay magacaabista Guddi hoosaadyada, waxaanu ku tilmaamay go’aan sharciga Golaha waafaqsan.




Khilaafka ka taagan arrintan ayaa muddo soo taxnaa oo ay xal ka gaadhi kari waayeen Shir-guddoonku.




Labada Guddoomiye ku-xigeen ayaa u arka in Xisbiga Kulmiye ee talada haya lagaga awood badanyahay guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyada Golaha.




Tan ayaa ah sababta dhalisay Khilaafka laysku mari waayay.




Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf ayaa ka soo jeedda Xisbiga talada haya ee Kulmiye.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobaninonews.com