Friday, December 6, 2013

Somaliland: Bilayska oo la sheegay inay 3 Nin u xidheen Argagixisanimo


Ciidanka Amniga oo Heegan iyo hawl-galo balaadhan bilaabay"Xog




Hargeysa(GNA)-Warar aanu ka helayno Ciidanka Bilayska ayaa sheegaya in  gelinkii dambe ee Maanta ciidamadu gacanta ku soo dhigeen saddex nin oo looga shakisanyahay inay xidhiidh la leeyihiin Kooxda Al-shabaab.




Saddexdan Nin ayaa lagu qabtay Guri ku yaala Xaafadda Siineey oo warar aan la xaqiijin oo kale tibaaxayaan in lagu dilay Sarkaal Bilayska SPU-da ka tirsan.




 Mid ka mid ah saddex nin ayaa la sheegay inay ehelo dhow yihiin Hogaamiyaha Ururka Alshabaab Axmed Cabdi Godane.




War faahfaahsan lagama hayo qabashada ragaasi, balse goob-joogeyaal iyo saraakiil Booliska ka tirsan ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in saddexaasi nin xabsiga loo taxaabay, ka dib markii guri uu degenyahay Nin ay asxaabyihiin laga soo qabtay.




Kolanyo Ciidamadda Bilayska kala duwan ah  ayaa gelinkii dambe ee Maanta lagu arkayay iyagoo gaaf wareegaya Magaalada Dhexdeeda, kuwaasoo gaadiidka dheereeya ku gaashaanaa.




Ma cadda ujeedada dhaqdhaqaaqa ciidanka amnigu wadeen balse, saraakiisha Ciidanka ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inuu jiro hawl-gal balaadhan oo amaanka lagu sugayo oo ciidanka heegan loo geliyay.




Ciidamada ayaa sheegay inay socdaan baadhitaano dheeraad ah oo lagu bartilmaameedsanayo tuhuno la xidhiidha argagixiso oo magaalooyinka dalka oo dhan.
Dilka Askariga ee tibaaxda ku soo baxay  iyo hawl-galada socda ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib markii Qaraxyo laga fuliyay magaalooyinka Boosaaso iyo Kismaayo ee dalka Somalia.




Qaraxyadaasi oo inta la ogyahay ka boosaaso ka dhacay lagu dilay in ka badan 8 Qof ayaa Maamulka puntland ku eedeeyay kooxda Al-shabaab.




Dhinaca kale waxa magaalada Kismaayo qarax lagula beegsaday Kolanyo Gaadiid ah oo sida la sheegay Madaxweyneha Maamulka Jubaland la socday, xili ay marayeen Magaalada dhexdeeda.




Lama hayo wali faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha Qaraxaasi, balse saraakiisha maamulka ayaa sheegaya inay fuliyeen kooxaha nabad-diidka ah ee Gobolka ku sugani.




Wixii war ka soo kordha la soco…




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com