Friday, December 6, 2013

Somalia: Xildhibaan Muqdisho lagu Dilay iyo Madaxweynaha oo Amar ka soo saaray


"Xildhibaan Maxamed Warsame oo qarax Miino lagu khaarajiyay"




Muqdisho(GNA)-Xildhibaan Maxamed Warsame Faysal oo ka tirsana Baarlamanka Somaliyaa ayaa lagu dilay gelinkii dambe ee Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya.




Xildhibaanka ayaa ku dhintay qarax lala beegsaday  Gurigiisa oo ku yaala agagaarka Aqalka Madaxtooyada Somaliya.




Waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii ka qayb qaatay mooshinkii lagu ridayay Xukuumadda Raysal-wasaare Saacid, waxaanu ka mid ahaa xubnihii difaacayay Xukuumadda Saacid ee 65 xubnood ahaa oo uu u ahaa Afhayeen.




Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa iyo cid sheegatay toona.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray Guddoomiyaha Baarlamaanka, dhammaan xildhibaanda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Marxuum Maxamed Warsame (Feysal) oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.




Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku amray Hay’addaha amniga inay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiigleyaashii dilka fuliyay.




Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu horayn tacsi u diray guddoonka Baarlamanka iyo xildhibaanada uu ka baxay.




“Innaa Lillaahi wa inaa Illaahu raajicuun, Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE ka baryayaa inuu Samir iyo Iimaan uu naga siiyo marxuum Maxamed Warsame , isagana uu janaddii EEBBE ka waraabiyo. Dhammaan eheladdii, asxaabtii iyo xildhibaanadaba waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan EEBBE ha naga wada siiyo, innagana aan u soo wada duceyno in Illaahey uu janadii fardowsa ka waraabiyo.”




Madaxweynaha ayaa ku amray Hey’adaha amniga in ay sida ugu dhaqsaha badan war uga keneen sababaha ka dambeeyey qaraxa lagu dilay xildhibaanka isagoona umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan kooxaha nabad diidka ah ee bartilmaameysanaya Masuuliyiinta Dowladda iyo dhammaan shacabka Soomalaiyeed.




dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Cismaan jawaari ayaa tacsi u diray marxuumka, dawladdana ka dalbaday in dhakhso loo soo qabto kuwii fuliyay dilka marxuumka.




Geesta kale, Reysal-wasaaraha xilka ka sii degaya ee Somaliya Cabdifaarax Garaad ayaa Hay'adaha amniga ku amray in baadhitaan deg deg ah lagu sameeyo dilka Xildhibaan Faysal.




"




Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed wuxuu ahaa xildhibaan karti leh, kuna dadaali jiray in ummadda Soomaliyeed ay ka soo kabato dhibaatooyinka kala duwan ee heysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.




Sidoo kale, R/wasaaruhu waxa uu si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.




Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka dalbaday qeybaha Amniga inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan cidii ka dambeysay falkan lagu dilay xildhibaanka.




“Xildhibaan Feysal waxaa dishay gacan ka xaq daran, waxaana Alle uga baryayaa inuu janadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo” ayuu yiri ugu dambeyntiina R/wasaare Saacid. 




Tiro xildhibaano ah ayaa sanadkan sii galbanaya lagu dilay magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood toogasho lagu dilay.




Hase ahaatee dilkiisa ayaa ku soo aadaya xili ay xaasaasiyad siyaasadeed iyo khilaafkii madaxweynaha iyo reysal-wasaaraha kala kaxeeyay ee uu qaybta ka ahaa wali sii qoyanyahay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com