Akhri magacyada laba nin oo midkood lagu dhawaaqi doono iyo Khilaaf hadheeyay Madaxtooyada +Warbaahinta oo ku sii qul-qulaysa.
Muqdisho(GNA)-Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqo Raysal wasaare cusub, ka dib la tashiyo socday maalmihii ugu dambeeyay.
Laba Nin oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladdihii kala dambeeyay ee Somaliya ayaa aad loo hadal hayaa in la magacabayo.
Cabadiwaaxid Axmed Gool-jeex , ayaa ah Ninka aadka loogu dhadhawaynayo in loo magacaabayo Kursiga Raysal-wasaarenimada.
Sidoo kale Xuseen Cabdi Xalane oo xukuumaddii Farmaajo Wasiirka Maaliyadda ka ahaa, ayaa la sheegay inuu yahay xubinta labaad ee madaxweynuhu la filayo inuu magacaabo.
Labada Nin ayaa ka soo jeedda Beesha Reysal wasaarihii xilka ka degay ee Cabdi faarax shirdoon.
Xalane ayaa Reysal wasaare ku xigeen ka ahaa Xukuumaddii Cumar Cabdi rashiid sharmaarke, xildhibaana ka ah dawladdan xasan sheikh.
Hase aahatee wararkan ayaa soo baxaya xili khilaaf hor leh soo kala dhex galay xubnihii Baarlamanka ee Saacid riday iyo xasan sheikh Maxamuud oo dhinac ah iyo Jimciyadda Damul-jidiid ee majaraha u haysa siyaasadda dalka Somaliya.
Ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyada ayaa Gobanimonews u sheegay in maalmihii ugu dambeysay xiisad khilaaf ah oo aan xadigiisa la ogayn uu ka dhex taagnaa Madaxweynaha iyo kooxda Damul-jadiid ee la taliyeyaasha u ah.
Si kastaba ahaatee Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa maanta gelinka dambe ilaa caawa la filayaa inuu soo saaro wareegtada Magacaabista Reysal-wasaare cusub oo dalku yeesho ka dib markii daaqada laga saaray Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Warbaahinta ayaa ku soo qul-qulaya Madaxtooyada, isla markaana arrintan loogu yeedhay goor dhaweyd
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com