Somalia (GNA) Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo maanta Baarlaamaanka Soomaaliya ay cod caqlabiyad ah ku diideen inuu iska difaaco eedaymaha ay u jeediyeen xildhibaanada baarlamaanka horgeeyay mooshinka la doonayo in xilkal lagaga qaado, ayaa qoraal uu soo saaray galinkii dambe ee maanta waxa uu talaabada baarlamaanka ku tilmaamay mid aan caddaalad ahayn.
Raysal-wasaare Saacid, ayaa qoraalkan soo saaray xili baarlamaanku ka doodayaan Mooshin ay saxeexeen 168 xildhibaan oo doonaya in kalsoonida lagala noqdo xukuumadda Raysal-wasaare Saacid, doodaasi oo ilaa hadda socota.
Raysal-wasaare Saacid, waxa uu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi “Eedaymaha mooshinka ka dhanka ah xukuumadda aan raysal-wasaaraha ka ahay ee lagu luminayo kalsoonida xukuumadda, maaha kuwo xaqiiqda dhabta ah ku salaysan, waana mid ay ka madhan tahay xog-ogaalnimadii rasmiga ahayd”
Mr Saacid, waxa uu sheegay inay diyaariyeen qoraal ka hadlaya waxqabadka xukuumaddiisa “Si waafaqsan caddaaladda dabiiciga ah (Natural Justice) iyo shuruucda wadankaba, waxay xukuumaddu diyaarisay qoraal waafi ah oo ay kaga jawaabayso dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay, oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni buuxda” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu baarlamaanka ka codsaday inay u ogollaadaan inu is-difaaco “Xukuumad ahaan waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay”
Gobanimonews
Email:editor@gobanimonews.com