Hawl-gal lagu soo qabtay 3 ka mid ah Nus dersin Budhcad badeed ah oo weerar qaban qaabinayay”
Boosaaso(GNA)-Ciidamadda Badda ee Puntland ayaa Dhalinyarda Gobolka uga digay ku biirida Kooxaha Budhcad badeedda ah.
Digniintan ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay xalay deegaanka Mareera ka soo qabteen saddex nin oo qayb ka ahaa Koox budhcad-baddeeda oo halkaasi isugu diyaarinayay inay weerar qaadaan.
“Waxaanu soo qabanay 3 Nin oo Budhcad badeed ah saddex qori oo ay wateen iyo agab kal, kuwaasoo qayb ka ahaa koox tiradooda aanu ku qiyaasnay ilaa 7 qof oo isku abaabulayay inay weerarro qaadaan”sidaasi waxa yidhi Taliyaha Ciidanka badda Puntland Admiral. Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadlay Warfidiyeenada Maanta.
Taliye Diiriye ayaa sheegay in ragaasi la hor geyn doono sharciga “Saddexdaa nin waxa la hor geyn doonaa sharciga, waxaanan u mahad celinayaa dadka shacabka ah ee nala shaqeeya, ciidamaduna heegan ayay ku jiraan oo meel kasta oo ay joogaan budhcad baddeedu waanu kaga daba gelaynaa oo waanu ka soo qabanaynaa”.
Taliyaha ayaa digniin u diray da’yarta Puntland, waxaanu uga digay inay ku biiraan kooxaha qowlaysatada ah.
“waxaan dhalinyarada Puntland uga digayaa inay ku kacaan falalka Budhcad badeednimada ee ay raga shilimaadka yar yar siinayaa u dirayaan, waxaan leeyahay dhalinyarada iska daaya oo ilaahay shaqo waydiista, nimankaa shilimaadka idin siinaya ee falalka idin gelinaya diida”ayuu yidhi.
Ciidamada Puntland ee Badda ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq xoogan iyo heegan culus,kaasoo ay ku waajahan dhanka Badda.
Gobanimonews
Boosaaso Office