Tuesday, December 24, 2013

Kulmiye: Guddi hawshoodu qabyo tahay oo hogaan doortay


Muuse Biixi oo wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ansixiyay hogaankii uu  Samaale ka uriyay ee Guddidu dooratay”Akhri warsaxaafadeed




Hargaysa(GNA) Gudoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyay magacyadda xubnaha ay gudigga qaban-qaabadda xisbigaasi u doorteen maanta Hoggaankooda.




Doorashada Hogaanka guddida shirweynaha xisbiga ayaa ku soo beegmaysa xili saddex maalmood wax ka yar inaga xigaan wakhtigii loo cayimay shirweynaha xisbiga.




War-qoraal ah oo uu soo saaray Maanta ayuu ku sheegay in Guddoomiye iyo afar guddoomiye ku-xigeen Guddidaasi dooratay, iyadoo guddoomiyihii lagu kala booday ee aqalka madow lagu doortay uun dib loo doortay.




Abubakar Xaamud Jibriil, ayaa loo doortay Guddoomiyeha  guddida, halka Sahal Maxamed Jaamacna loo doortay Xoghaye, sida lagu sheegay warka ka soo baxay xisbiga.




Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:




 “Waxa maanta oo taariikhdu tahay 23/12/2013 shir ay isugu yimaadeen Guddida Qabanqaabada ee shirweynaha 3-aad ee xisbiga KULMIYE ku doorteen guddoomiye, ku-xigeenno iyo xoghaye, waxaana Guddoomiye loo doortay Abubakar Xaamud Jibriil, halka afar guddoomiye-ku-xigeenna loo kala doortay; Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad Xasan Mowliid Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka afraad Sahal Maxamed Jaamac.




Waxa kale oo shirkaasi Xoghayaha gudida qabanqaabada loogu doortay Axmed Cali Maxamuud.




Sidaasi darteedna waxay Guddiga Qabanqaabadu si toos ah u bilaabeen hawlahoodii shaqo.”