Halkan waxaan ka salaamayaa reer Somaliland meel ay joogtaba aniga oo tix raacay Warka Ciwaankiisu ahaa ‘Wasiirka Khaarajiga oo Haatan u Xuub-Siibtay Ergay Lagu Adeegto Dano Dilaalnimo Iyo Kobcinta Ganacsato Gaara”, kuna soo baxay Wargeyska YOOL kuna taariikhaysnaa 4th December 2013, waxaa la wada ogyahay sumcada iyo sharafta uu Wasiirkeena Khaarajigu ku leeyahay Beesha Caalamka iyo dalkeena gudihiisaba, shaqada uu UN ka ka hayayna waa la wada ogaa waxaa uu dantiisa uga yimid baahida dalkiisa iyo dadkiisa looga maarmi waayey iyo aqoontiisa waayo-aragnimdiisa leh, Nin dilaalis iyo cashuurta umada ugu adeega dan uu leehayay iyo dano ashkhaas ganacsato ah ma aha.
Ta labaad Shirkada DAHABSHIIL bangayadeedu waxay ku jirtaa shirkadaha caalamka ugu horeeya sumcada iyo koboca dhaqaale magac iyo Sharafna u soo jiiday Soomaali oo dhan, gaar ahaan reer Somaliland, waa la ogyahay dalal badan oo Africa ah ayuu Bangiga koobaaad u yahay DAHABSHIIL, waxa uu u taro bulshada Soomaaliyeed waa la ogyahay, rabina uma baahin Cashuurta dan-yarta ah ee Shicibka iyo wasto dawladaha caalamka iyo hay’adaha Aduunku waa meesha keliya ee ay caawinada iyo hantidooda ku aamini karaan. Waxa DAHABSHIIL u kordhaa inagay inoo kordheen, rabina ha u siyaadiyo, mahadna isagaa iska leh
By.AHMED MOHAMED ABDULLE