Thursday, December 5, 2013

Boosaaso: Qaraxyo saameyn ku yeeshay Ganacsiga iyo isusocodka.Daawo Video


Booliska oo qof-qof iyo Gaadhi-gaadhi u baadhaya Boosaaso ayaa sababay caqabaddo hor leh"hoos ka Daawo muuqaal iyo sawirro








Boosaaso(GNA)-Magaaladda Boosaaso waxa xaniban isu socodka iyo Ganacsiga caadiga ah tan iyo markii maanta uu ka dhacay weerarku.



Suuqa ugu weyn ee Ganacsiga  magaalada Boosaaso iyo goobo kale  ayaa xaniban,waxaana la adkeeyay amaanka.




 inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada waxa la dhooban Askar, kuwaasi oo baaritaano ku sameenaya dadka shacabka ah iyo gawaarida.




Dadka Gawaarida wata ee soconaya ayaa caqabado badan kala kulmay isticmaalka waddooyinka.




Magaalada Boosaaso ah Magaalo Ganacsi muhiim ah, waxaanay xudun u tahay dhaqaalaha Gobolka iyo deegaamada ku xeeran.




Marsada ugu weyn Gobollada Puntland ayaa ku taala Magaaladan, waxaana ka socda Ganacsi aad u balaadhan oo dadyow kala duwani leeyihiin.




Waa marin halbowle u dhaqdhaqaaqa Badda, waxaanay xiliyadda qaar hoy u ahayd Kooxaha Budhcad badeeda ah, kuwaasoo aad u degenaa Magaalada.




Doonyo tiro badan oo ganacsi iyo kuwa Jilaabta Kalluunka ayaa ku soo xidha Dekedda, laakiinse todobaadyadii ugu dambeeyay waxa ka socday Olole loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay Duufaantii Gobolka Barri ku dhufatay bishii la soo dhaafay badhtamaheedii.




Ugu yaraan Sideed Ruux ayaa ku dhintay 37 kalena way ku dhaawacmeen weerar qarax ismiidaamin ah lagu fuliyay oo saaka ka dhacay agagaarka Masjid Rowda ee Magaaladaasi.




Daawo Muuqaalkan:








Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ku jira askar Ciidanka Badda ka tirsan , Haween iyo Caruur.




Dawlad Goboleedka Puntland ayaa weerarkaasi ku eedeeyay Ururka Al-shabaab.  




 




Gobanimonews




Boosaaso Office




Email: editor@gobanimonews.com