21/12/2013. Hargeysa-(GNA)-Xildhibaan Xasan Muuse Hufane “Xasan Karaamo” Iyo Xildhibaan Mahdi C/laahi Maxamed oo ka tirsan xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ayaa shalay mar u waramayeen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ku sheegay arimo badan oo xasaasiya oo ay ka mid tahay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Caaqil Cabdoo Aayar.
Xildhibaanadan ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa ay ka codsadeen in Gudoomiyaha Dibed Wareega Gobolka Awdal Mudane Cabdoo Aayar 24 Saacadood Gudahood Lagaga Soo Badalo Gobolka iyaga oo sheegay in uu gobolkii la dagay waxaan shaqadiisa ahayna ku wareeray.
Dhanka kale xildhibaanadan ayaa hoosta ka xariiqay tan iyo intii loo soo magacaabay uu khalkhal iyo jaahwareer ka bixi laayahay kaas oo ay sheegeen in mudooyinkii u danbeeyay gobolku gabigiisuba ahaa mid haykal dawladeed uunsan ka jiran isaga oo ay sheegeen in waqtiga uu ku sugan Yahay Gobolka Ay Yartahay.
Xildhibaanadan ayaa sidoo kale sheegay goobihii ilaha dhaqaalaha ka soo galayay ay gabi ahaan joogaan mas’uuliyiin laga soo daabulay gobolada kale oo u badan Beehsa dhexe waa sida ay sheegeeen dhalinyaradoodiina ay bilaa camal waali u dhawyihiin taas oo ay sheegeen in gobolada kale aysan la qabin.
Gabogabadii Xildhibaanadan ayaa cod dheer ku sheegay in gobolku hadii uu sidan sii ahaado ragaas gobolada kale laga keenayna iyo badhasaabkan caaqilka u ah ina adeerkii Siiraanyo ay ka dhici doonto kacdoon Shacab oo mijo xaabin karta Nabada iyo Dawladnimada Ay ku faanto Somaliland.
Si kastaba ha ahaatee arintan iyada ah ayaa ku soo beegmaysa xili gobolkii Awdal uu qasan yahay uuna ku ciyaarayo Gudoomiyaha debed wareega ah ee uu Gobolka Siilaanyo u soo magacaabay.
dhinaca kale, mar anu wax ka waydiinay arimahani qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada borama ee xarunta gobalka awdal ayaa waxa ay ku tilmameen in ay arintan tahay mid siyasad ay ka wadato xukuumada uu hada hoganka u hayo md: Axmed siilaanyo halka ay qaarkoodna ku sheegeen in gobalka awdal laga reebay gobolada kale kuwasi oo tusaale u soo qaatay airporka magaalada oo ayna xukuumadu waxba ka qaban waxa ayna muujinayaan wakhti xadirkan shacabwaynaha ku dhaqan gobalka awdal in arintan hadii ay wax ka qabanwaydo xukuumada siilaanyo ay ku noqondoonto dhaawac ayna kasoo kabsan waa sida ay hadalka u dhigeene
Gobanimo news.com