4 jully waxa sanad kasta si weyn looga xusaa waddanka Maraykanka markii uu xoriyada ka qaatay Ingiriiska 1776.
Maalintan waxa Waddanka Maraykanka looga yaqaanaa sidoo kale maalinta midnimada nidaamka Federaalka.
Xafladdo waaweyn oo lagu xusayo maalintaas ayaa ka dhacaya Guud ahaan waddanka oo dhan, waxaanay munaasibadihii ugu waaweynaa ku soo beegmeen Jimcihii shalay oo ay Bishu 4 ahayd.
Xarunta Kaydinta Taariikhda ee Magaalada Washington oo ah Madxafka ugu weyn ee lagu uruuriyay gabi ahaanba waxyaabihii dalkaas soo maray ayaa ka mid ah Goobaha sida aadka ah dadku u booqdaan xilligan oo kale si ay u xusuustaan waayaha iyo wakhtiga la soo maray.
Maraykanka ayaa safka hore kaga jira hada wadamada ugu tunka weyn xaga siyaasadda, dhaqaalaha, aqoonta iyo waxyaabaha kale ee horumarka aasaaska u ah,