Friday, July 25, 2014

Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka Soomaaliya oo xilkii laga qaaday


Waxa la magacaabay Xeer-ilaaliye cusub...




[caption id="attachment_91597" align="alignleft" width="300"]Xeer-ilaaliyaha cusub Xeer-ilaaliyaha cusub[/caption]Muqdisho, 24, Luuliyo, 2014(GNA)-Xeer-ilaaliyaha ee Qaranka Soomaaliya ayaa lagu magacaabay, kulankii caadiga ahaa ee Golaha Wasiiradda Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo maanta uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.




Shirka ayaa looga hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo xil ka qaadis lagu sameeyey Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka oo masuul cusub lagu bedelay.




Golaha Wasiirada ayaa warbixin ku aadan ammaanka guud ee dalka ka dhageystay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, waxaana uu sheegay inay Wasaaradu qaaday olole lagu ogaanayo hubka sharci darrada ah ee dhex yaala magaalada Muqdisho ee lagu waxyeeleeyo dadka shacabka ah.




“Mudane Ra’iisul Wasaare Wasaarada Amniga Qaranka oo ka duulaysa falalka guracan ee nabad-diidku maleegayo waxay qaaday tallaabo lagu sugayo amniga Muwaadiniinta laguna ogaanayo hubka sharci darada ah ee dhexyaala Magaalada Muqdisho, laamaha ammaanku waxay gacanta kusoo dhigeen xubno muhim ah oo shabaab ka tirsan, tanina waxay calaamad u tahay wada-shaqaynta Dowladda iyo shacabka” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay dhawaan in la soo saari doono sharciga hubka si dowladda Soomaaliya awood ugu yeelato inay xakamayso hubka sida sharci darrada ah loogu sito magaalada. Isagoo dhanka kalana baaq u diray beelo ku dagaalamay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.




“Waxaan rabaa inaan baaq u diro dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya Caabudwaaq. Waxaa nasiib daro ah in deegaanada qaarkood ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan, gaar ahaan deegaanada gobollada dhexe, waa in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaalada iyo collaaadaha, lana qaataa nabadda ay dowladdu hormuud ka tahay, xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qaadato doorkeeda ku aadan in xal laga gaaro dagaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli




Dhinaca kale Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax C/qaadir, ayaa golaha u soo gudbiyey warbixin ku aadan hay’adaha Garsoorka oo uu sheegay in loo baahan yahay in dib-u-habeyn lagu sameeyo.




Warbixin iyo dood kaddib, Golaha Wasiiradu wuxuu cod aqlabiyad ah xilkii uga qaaday Xeer ilaaliyii hore, isla markana wuxuu u magacaabay Xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir, sidaa waxa lagu xaqiijiyay warmurtiyeed laga soo saaray Shirka Golaha Wasiirrada.




Warku wuxuu intaas ku daray in  Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee cusubi  khibrad iyo aqoon dheer u leeyahay sharciga iyo arrimaha Cadaaladda.




 




Ugu danbayntii golaha ayaa ka dooday warbixin u soo gudbiyey wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, taas oo ku aadan dib habayn balaaran oo lagu sameeyo shaqaalaha dowlada, si kor loogu qaado tayadooda iyo aqoontooda, waa sida lagu sii sheegay Warkaase.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com