Thursday, July 24, 2014

Algeria: Diyaarad Kasoo Kacday Burkino faso Oo La Waayey.

Shirkada diyaaradaha caalamiga ee Algeriga ayaa sheegtay inay weysay
xiriirka diyaarad ka soo duushay dalka Burkina Faso.

Xiriirka diyaaradan ayaa la waayay wax ka badan 50-daqiiqo, markii
diyaaradaha ay ka soo duushay magaalada Ouagadougou ee Burkina Faso.

Wakaalada wararka ee Algeria ayaa sheegtay in inta badan rakaabka saaran
diyaarada ay yihiin muwaadiniin u dhashay Algeria.

Ilaa iyo hada ma cada tirada rakaabka saaran diyaarada oo tirsigeedu
ahaa AH 5017, waxaana wali kala cadeyn xaalada diyaarada.

17-kii bishan ayay aheyd markii diyaarada Malaysia Airways lagu soo
riday xuduuda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine, gaar ahaan meel ay
maamulaan mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Ukraine.