Thursday, July 24, 2014

Saado Cali oo lagu aasay Muqdisho

Waxaa Muqdisho aas qaran loogu sameeyay fanaanada caanka ahayd ee Saado Cali Warsame oo maalintii shalay lagu toogtay isla magaaladaas.

Madaxda kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay aaskaasi qaran.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Saado Cali oo maalin ka hor lagu toogtay Muqdisho.
Dablay hubaysan ayaa rasaas ku furay baabuurka Siday Saado Cali, oo marayay xaafadda Hodan ee Muqdisho.
Tan iyo xilligaas waxaa isa soo tarayay cambaareynta caalamiga ee falkaas.
Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanayay Muqdisho bishan Ramadan-ka.
Ururka Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka baxay sanadkii 2011-ka, balse waxaa uu weli ka fuliyaa weerarro iyo dilal qorsheysan.