Thursday, July 24, 2014

Madaxweyne Gaas oo dalbaday in Garoowe lagu Aaso

[caption id="attachment_75782" align="alignleft" width="289"]Madaxweyne Gaas oo Tacsi u diray Madaxweyne Gaas oo Tacsi u diray[/caption]

Garoowe(GNA)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay inuu Reysal-wasaraha dawladda Federaalka ka dalbaday in Magaalada Garoowe loo soo qaado  Maydka si halka loogu aaso.

Warkan ayaa soo baxay xalay saacad dambe, xilli mujtamaca Soomaalidu aad uga murugaysnaayeen Dilka Marxuumadda oo shalay dablay hubaysani ku dileen muqdisho.

Madaxweynaha Puntland ayaa Tacsi ka diray Geerida Xildhibaanka, dilka kaddib, waxaanu dawladda Soomaaliya ugu baaqay inay sharciga horkeento kuwii fuliyey falkan waxshinimada ah.

Dhinaca kale, hogaamiyeyaasha Khaatumo ayaa si adag uga hadlay dilka Saado Cali Cali warsame, waxaana la sheegay inay soo jeediyeen in Maydka marxuumadda loo soo dhoofiyo Magaalada Buuhoodle oo ay deegaan ahaan ka soo jeeddo si halkaas loogu aaso.

Saado Cali Warsame ayaa ahayd shakhsiyad ku suntan fanleyda soomaalida, isla markaana lagu yaqaanay wadaniyad, sida uu ka dhawaajiyay Abwaan San-gub oo ka mid ahaa dadkii ay fanka ku wada jireen, isla markaana isugu dhawaayeen tobankii sanno ee u dambeeyay.