Thursday, July 24, 2014

David Beckham Iyo Evra Oo Xarunta Tababarka ku booqday Ciyaartoyda Manchester United.


David Beckham iyo Patrice Evra ayaa ahaa martida sida lama filaanka ah ku booqatay Manchester United xarunta ay Los Angeles kaga tababaranayaan Salaasadii.




 




Beckham oo ku soo noqday London si uu ula noolaado qoyskiisa Isagoo mudo shan sanno iyo badh ah noloshiisa ku soo qaatay magaalada California, ayaa dib loogu arkay magaalada ka hor kulanka ay United wajahayaan kooxdiisa hore ee LA Galaxy.




 




Waxa uu la kulmay tababaraha cusub ee kooxda Louis van Gaal iyo qaar ka tirsan ciyaartoyda, waxaana la filayaa in uu kasoo qayb galo kulan ka tirsan Koobka Chevrolet Cup oo ay Maanta oo Arbaca ah labadan kooxood ku wada ciyaari doonaan garoonka Rosebowl.




 




Dhanka kale Evra oo fasax kula jooga qoyskiisa Mareykanka ayaa fursad u helay in uu macasalaameeyo kooxdiisii hore kadib markii lacag gaadhaysa £1.2million uu ugu biiray Juventus.




article-2701899-1FDBA6DC00000578-213_634x498-500x392 article-2701899-1FDBB11C00000578-629_634x393-500x309 article-2701899-1FE37B9300000578-583_634x540-500x425 article-2701899-1FE365C200000578-523_634x553-500x436 becks-and-van-gaal-655x360