Cadan(GNA)- Maxkamad ku taala dalka Yemen ayaa ganacsade Yemeni ah u xukuntey in uu qaato 3 markab oo Soomaaliya lahayd, kuwaasi oo tan iyo burburkii yiiley dalka Yemen.
Ganacsadaha ayaa maraakiibta ku sheegtey illaa 2 malyuun oo doolar, sidaasi darteedna maxkamadda amartay in isaga lagu wareejiyo.
Maraakiibta ayaa lagu kala magacaabaa Faarax Oomaar, Cismaan Geedi Raage iyo 21-ka Octoobar III.