Kampala(GNA)-War lagu baahiyay bogga wararka ee safaarada maraykanku ku leeyahay Dalka Uganda ayaa lagu sheegay in weeraro argagixiso ka dhici karaan garoonka diyaarada Entebbe ee magalada Kampala Dalka Uganda.
“Dowlada mareykanka muwadiniinteda ku sugan dalka uganda waa inay feejignanadaan”ayaa lagu warka.
Dhankale Afhayeen uu hadley ciidamada booliska dalka uganda ayaa sheegey inay adkeeyeen amniga garoonka diyaarada Entebbee magalada kampala.
Dalka uganda waxa kale oo u sheegay afhayeenka u hadlay , inaanay hada arag wax argagixiso ah oo kusoo wajahan dalka .
Dalka Uganda ayaa kumanaan ciidamo ahi ka jogaan dalka somaliya kuwaas oo kamid ah hawl galka midowga africa ee amisom yagona dagaal kula jira xarakada al shabaab.
Waxa uu ka mid yahay dalalka Ururka Alshabaab wacadka ku maray inay weerarayaan sida Kenya oo kale.
Waa dalkii shanaad ee Maraykanku mawaadiniintiisa uga digay inay feejignaadaan, waxaanu hore digniino noocan ah uga soo saaray Wadamada Kenya, Itoobiya, Djibouti iyo Somaliland oo dhamaantood jaar la ah Soomaaliya.
Abdirahmaan buurdhaab
Gobanimonews
Nairobi Office