Hargeysa(GNA)-Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa maanta dhambaal Hambalyo ah u diray Mushtamaca Islaamka filashada Munaasibada Ciidal fidriga oo wakhti koobani inaga xigo, loona badinayo inay Berri ku beegantahay.
Jamaal Cali Xuseen oo Maanta Warfidiyeenada kula hadlay Xarunta dhexe ee Xisbigiisu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay “waxaan hambalyo u dirayaa, Umadda Islaamka oo dhan, Umaddaha Jaarka la ah Somaliland ee aynu isku diinta nahay sida Djibouti, Somalia iyo Itoobiya”ayuu yidhi. Jamaal oo intaasi raaciyay “ waxa kale oo aan fariin hambalyo ah halkan uga gudbinayaa dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Ucid meel kasta oo ay joogaan, Madaxda Xisbiga iyo dhamaan umadda reer Somaliland oo dhan, waxaanan leeyahay nabad qab ku gaadha ciida, Ilaahayna Bishii Ramadaan ee aynu soo soonay ha inaga aqbalo”ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Xoghayaha Macdanta, Tamarta iyo Biyaha ee Xisbiga UCID Maxamed Maxamuud Aadan (Lena) oo ka hadlayay Shir-jaraa’id oo ay xisbigu ku qabteen Xafiiskooda ayaa sheegay in Qaramada midoobay markii u horaysay Somaliland ku eeddeysay Musuqmaasuq ka dhan ah Mashaariicda Sahaminta shidaalka ee Heshiisyada xukuumaddu ay ku gashay.
Safiirkii hore ee Somaliland ee dalka Norway Amb. Lena ayaa sheegay “ wax badan ayaan maqlayay warar wanaagsan oo Bulshada caalamku ka sheegayso Somaliland, laakiinse todobaadkii hore waxa ayaan daro ah in markii ugu horaysay Qaramada midoobay inagu tilmaantay inaynu safka hore kaga jirno wadamada Khayraadkoodda dabeeciga ah la musuqmaasuqo “ ayuu yidhi.
Gobanimonews
Hargeysa Office