Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay Gobol cusub oo uu ka jaray Gobolka Sool.
War qoraal ah oo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada somaliland, ayaa lagu sheegay in Siilaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2613/072014 ku magacaabay Gobolka Xaysimo magaalo badaxdiisuna tahay Taleex.
Wareegtada ayaa iyadoo sii faahfaahsan waxa lagu yidhi sidan: “Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax ka beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;
Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanada;
Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Markuu Ku Qancay: In maamulada loo dhaweeyo shacbiga oo hoos loo daadajiyo;
Wuxuu Go’aansaday;
In uu u magacaabo Gobolka Xaysimo oo magaalo Madax u tahay Taleex, oo ka koobnaan doona Degmada Sarmaanyo, Degmada Xalin, Degmada Carroolay iyo Degmada God-aalo”ayaa lagu yidhi.
Waa gobolkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo sameeyo intii uu xilka qabtay.
Taleex ayaa xudun u ahayd xiisad u dhaxaysa Somaliland iyo Kooxda la baxday Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh.
Wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayey Wasiirka awoodda badan Madaxtooyaddu, ayaa dhawaan booqday deegaanka Taleex, waxaanay taasi dhawr usbuuc ka horaysay go’aanka Gobolka cusub loogu magacaabay Taleex.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com