Weeraryahanka kooxda Sevilla Lago Aspas ayaa ku tilmaamay sida ay xidhiidhka kubada cagta dunida FIFA ula dhaqan tay ciyaaryahankii hore ee ay isku kooxda ahaayeen Liverpool Luis Suarez, kuna tilmaamay sida loo faquuqay inay ahayd sida qof dilaa ah oo kale.
Suarez keliya lama ganaaxin 9 kulan in aanu u ciyaari karin xulkiisa qaranka ee waxa madaxa loo geliyey ganaax aad u adag, waxa aanu kooxdiisa cusub oo adduun lacageed oo gaadhaya € 88 million kula soo wareegtay u ciyaari karin muddo dhan afar bilood.
Ganaaxa dul saaran xidigan ayaan Barcelona u ogolaanayn in ay si rasmi ah xitaa ugu soo bandhigto taageerayaasheeda.
Aspas ayaa aaminsan in Fifa ula dhaqantay qof dambiile ah oo kale si ka gedisan sida loola dhaqmo ciyaartoyda.
“Luis waxay ula dhaqmayaan sidii dilaa oo kale, ulama dhaqmayaan sidii ciyaaryahan oo kale,” Aspas ayaa u sheegay Cadena Cope.
“Waan fahmi karaa ganaaxa 9 kulan ee la dul dhigay, maxaa yeelay waxii dhacay aawadeed,”.
“Laakiin waxa kasoo hadhay ganaaxaas oo ay ka mid tahay inaanay Barcelona soo bandhigeynin waa saa’id, fikir ahaantayda,”.
27 jirkan Suarez ayaan Barcelona u safan karin ilaa iyo 26 October oo uu ganaaxiisu ku eg yahay.