Borame (GNA)- ururka suxufiyaiinta Somaliland ee solja ayaa 27-kii bishan Magaalada Boorama ku qabtau kulan lagu xoojinayo xidhiidhka saxaafada iyo hayadaha amniga iyo garsoorka ee gobolka awdal kulankaasoo ay ka caawisay hayada NED ururka solja ayaa waxaa kasoo qayb galay 20 suxufi oo ka hawl gala magaalada boorame iyo masuuliyiinta gobolka awdal oo kala ah gudoomiyaha gobolka awdal Cabdoo ahmed ayir maayarka boorame saleban xasan xadi iyo Xeer-ilaaliyaha gobolka awdal abdilahi maxamed ali Taliayaha qaybta bilayska ee gobolka awdal cabdi khayre dugsiiye Taliyaha saldhiga dhexe ee boorame maxamed yuusuf iyo Isku duwaha wasaarada warfaafinta ee gobolka awdal abokor xasan caafi.
Ugu horayna waxaa kulankaa ka hadlay xoghayaha guud ee ururka solja maxamed-rashid muxumed faarax waxaanu yidhi ujeedada kulankan aanu idiinku qabanay waxaa weeye sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka saxaafada iyo masuuliyiinta gobalka oo aanay iskugu arag iyo sidii loo yarayn lahaa xadhiga suxufiyiinta taasina ay ku yaraanayso marka loo maro xeerka saxaafada Somaliland ee lasoo dacweeyo iyo in sidoo kale suxufiyiintu ay yareeyaan khaladaadka ay ka galayaan masuuliyiinta oo ay hadii warbeena ay baahiyaaan ay raaligalin ka bixiyaan oo beeniyaan warkaa."
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay iskuduwaha wasaarada warfaafinta ee gobolka awdal abokor xasan caafi waxaanu yidhi maayarka iyo badhasaabka gobolka awdal ayaa maalin kasta la iska caayaa suxufiyiinta gobolka awdala aqoon malaha ururka soljana marka la xidho ayay qaylisaa isagoo sidoo kalena ururka solja kula taliyay inay waxbaraan suxufiyiinta boorame
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay maayarka magaalada boorame saleebaan xasan xadi waxaanu sheegay in aanu xidhin suxufi saxaafaduna ay tahay mid bulshada hawl wanaagsan u haysa laakiin qolada website-yadu habeenkii ayay shaqeeyaan sidaa anaguna maalintii ayaanu shaqaynaa markaa waa in maamul habeenkii shaqeeya la helaa
Waxaa kale oo Isaguna halkaa ka hadlay xeer ilaaliyaha guud ee gobolka awdal Cabdilaahi mahamed ali
Waxaanu sheegay in ay danbi tahay qof shakhsiyadiisa in wax laga sheego lakiin waxa wax laga qori karaa shaqada uu bulshada u hayo.
Ugu danbayna waxaa halkaa ka hadlay gudoomiyaha gobolka awdal Cabdoo Ahmed Ayir waxanu yidhi saxaafadu dhaliisha qofka way sheegi karaan laakiin inay qarimada iyo dhaliisha qofka kala saaraan, waxanan idin sheegaya in aynu ogaano waxa ana aan madax ku ahay adna aad wariye ku tahay waa jiritaanka dalka markaa horta horeba aynu ilaashano qaranimada
Hadaba dood iyo istusaalayn ka dibwaxa laysku raacay 3 qodob oo kala ah :
In saxafada iyo masuuliyiinta gobolku si wada jira ay u ilaaliyaan sumcada,wadashaqaynta iyo hormarinta gobolka Awdal
Waxa kale oo laysla gartay in saxaafadu muhiim tahay in ay sumcada iyo anshaxa dhawraan halka saraakiisha gobolkuna ay dhawraan shurcda ay habla dhaqanka saxafada
Waxa kale oo kulankaa laysla qaatay in guud ahaan gobolka awadal saxafada lagu dhaqi doono xeer.NO 27/2004 waxaanay ururka SOLJA qofkasta oo kamida masuuliyiintii shirka joogay siisay hal nuqul oo ah xeerka saxafada Somaliland ee xeer.NO 27/2004 ka qaybgalayaasha oo dhanaa guud ahaan 30 qof oo kala ahaa 20 wariye halaka intakalena ka socdeen ciidanka nabadgalyada, sadexda darajo ee maxkada sida degmada,gobolka iyo racfaanka,xeer-ilaalinta gobolka, isku guwaha wasaarada warfaafinta, duqa dagmada boorame iyo badhasaabka gobolka.