Monday, July 28, 2014

Dooxa Arabsiyo oo kala xidhay isu socodka Hargeysa iyo Gabiley oo Ciida kor u kaca


Daaddad ku soo rogmaday dooxa oo Ciid tuulay laamiga, xilli ay ka soo talaabayaan Shixnadaha Ciida loogu talo galay iyo Dawladda oo aan u dhaqaaqin..




 Dadkii ku xayirmay mar kale walaac muujiyay  iyo Dakhliga Xukuumada u soo mara maalin kasta Dooxan ka jawaabi la’ dhibaatada soo noqnoqonaysa..GNA




 [caption id="attachment_91837" align="alignleft" width="300"]Doox sii fidiya Doox sii fidiya[/caption]Hargeysa(GNA)-Dooxa weyn ee mara Magaalada Arabsiyo oo u dhexaysa Hargeysa iyo Gabiley, ayaa kala xidhay Gaadiidkii iyo dadkii isaga gooshayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gobolka Gabiley.




Magaalada Arabsiyo ilaa 25 KM dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Hargeysa, waxa mara laamiga muhiimka ah ee isku xidha Gobollada Galbeedka iyo Caasimada dalka, kaasoo ay maalin walba ku safraan kumanaan Gaadiid ah oo isugu jira kuwo baddeecado sida iyo qaar dad sida.




Daaddad xoog leh oo ka dhashay roobab Mahiigaan ah oo ka da’yay Waqooyiga Degmada Arabsiyo, ayaa sababay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay isu socodkii Laamigu halbowlaha u ahaa cidhiidhi galo.




Gaadiid badan oo Shixnado baddeecado ah u kala talaabinayay Hargeysa iyo magaal-ganacsiyeedka Wajaale, ayaa ku xanimay labada daraf ee Dooxa, kaddib markii ay ka talaabo kari waayeen.




Laamiga Gaadiidku maro ayaa ka  dhex talowda Dooxa, iyadoo aanay jirin Buundo ama Biriij lagaga talaabo dooxu.




Arrintan ka soo beegantay xilli isu socodka magaalooyinku aad u sareeyo, diyaar-garowga Ciida Maanta awgeed, isla markaana Magaalo Ganacsiyeedka Wajaale laga soo daabulayo Shixnado badan oo agabka ciida loogu talo galay ka mid ah.




Qaar ka mid ah dadkii dooxu ku xayiray halkaasi ayaa Gobanimonews u sheegay in markii Biyuhu go’een, hadana Gaadiidku mari kari waayeen ciid xad dhaaf ah oo tuulantay halkii laamigu marayay.[caption id="attachment_91836" align="alignleft" width="300"]dhibaatada ka taagan dooxa dhibaatada ka taagan dooxa[/caption]




“Gaadhi kastaa markuu badhtanka marayo ayuu galayey, mana jirin wax gurmad ah iyo xal dawladdu ka samaysay caqabadan”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Nin Cabdikariin la yidhaahdo.




Gaadiidkii Jaadka u siday Gobollada Bariga Somaliland oo xilli galabnimo ah ilaa habeenkii niska hore ka soo gudba halkaasi ayaa iyaguna ka mid ahaa Baabuurta ku xayirmay Dooxa Arabsiyo.




Dadka deegaanka iyo kuwa Baddeecadu kaga xayirmeen halkaasi ayaa walaac weyn ka muujiyay dhibaatada soo noqnoqaysa ee ka taagan Dooxan tan iyo markii dalka dib loogu soo noqday.




Waxa maalin walbka ka talaaba Laamiga isku xidha Gabiley iyo Hargeysa Malaayiin Lacag ah oo ay dawladdu leedahay oo laga soo xereeyo Kastamka Kala-baydh ee Qaadka lagu Cashuuro, kaasoo dakhliga faro badani ka soo galo dawladda.




Sidaasoo ay tahay, hadana wali xal looma helin sii socoshada dhibaatada dadku kala kulmaan xilliga roobabka oo ah mid naf iyo maalba saamaysa.




Waxa uu la mid yahay dooxani, kuwa nafaha badan galaaftay ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera .




Waxanay dadka arrimahan ka walaacsani sheegayaan inay dawladda Somaliland nusqaan weyn ku tahay go’doonka joogtada ah ee ay musaafiriinta bariga iyo Galbeedka uga soo safra Caasimadu kala kulmaan Dooxyadaas.




Waxa si weyn loo sii dhaliilayaa qorshe la’aanta biyo mareenada halista ku haya inta u dhaxaysa Magaalooyinka Berbera iyo Wajaale oo ah laba magaalo oo laf-dhabar u ah Dhaqaalaha Somaliland.




“Dawladdu iyadoo Hargeysa iyo Gabiley dhexdooda dhibtani ka taagantahay , oo berbera iyo Hargeysa ka sii daranyihii, ayay hadana ku mashquulsantahay dhismaha Laamiga Ceerigaabo oo ay waliba doonaysaa inay lacagtii Hargeysa ka uruuriso.”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Aqoonyahan ka cudur daartay inaan magaciisa soo xigano.




Si kastaba ha ahaatee xukuumadda Siilaanyo oo ku faanta waxqabad ayaa looga fadhiyaa inay ka jawaabta dhibtan ka taagan isu socodka Magaalooyinka Laamigu maro, kuwaasoo ay ku jiraan Berbera iyo Gabiley oo Dhaqaalaha dawladda saddex meelood marka loo qaybiyo laba qaybood ka soo baxdo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com