Tuesday, July 22, 2014

Xulka Germany Oo Kala Jabiyey Koobkii Aduunka,


Gudoomiyaha DFB,  Wolfgang Niersbach ayaa xaqiijiyey in koob aduunkii maalinta dhawayd ay Fifa gacanta ka saartay aanu ka badbaadin xadrayntii iyo damaashaadyadii farxadeed ee xulka qaranku ku maamuusayay.




436968_heroa-620x360




Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Garmalka ee magacooda loo soo gaabiyo (DFB) ayaa daboolka ka qaaday in mid kamid ah ciyaaryahanada xulka u horseeday guushii weynayd uu khasaare gaadh siiyey koobkii dahabka ahaa ee ay hantiyeen.




 




Xulka tababare Joachim Low ayaa kaga adkaaday Argentina 1-0 ciyaartii Finalka ahayd markii wakhti dheeraad ah lagu daray ciyaarta, taas oo noqonaysa markii Afraad ee ay hantiyaan koobka aduunka taariikhda , kadib koob aduunadii 1954, 1974 iyo 1990 oo ay hore u haysteen.




 




Qaranka lagu naanayso Mannschaft ayaa safar kaga soo kicitimay Brazil oo ciyaaraha koobka aduunku ka socdeen , waxaanay soo dhawayntii ugu weynayd kala kulmeen wadankooda, taas oo ahayd damaashaad iyo gaado ka ciyaar dhawr cisho socday, si kasto oo ay ahaydba , bood boodkii iyo qalaamarogadkii lagu damaashaadayay ayaa sababay in khasaare soo gaadho biladdii qaaliga ahayd ee ay haysteen kaas oo ka siibtay ciyaaryahan ka tirsan xulka qaranka Germany ilaa hadana aan magaciisa la garanayn.




 




“Meel ay ahaydba, Qalcad yar oo kamid ah koob aduunkaygii ayaa ka jabtay,” gudoomiyaha xidhiidhka Wolfgang Niersbach ayaa sidaas ku yidhi warfidiyaha Die Welt waxaanu intaas ku daray. “Laakiin haka warwarin! Waxaan haysanaa khubaro ku takhakhustay arintan oo samayn karta markiiba.




 




“Dhawr jeer ayaan samaynay baadhitaano lagu ogaanayo cidii uu wax ka noqday ee dhaawaca gaadh siisay koobka aduunka, laakiin natiijada baadhitaankii waxay ku dhamaatay waxba la’aan.”




 




Laakiin nasiib wanaag, Koob aduunka FIFA gudoon siisay Germany, dabaal deggii garoonka Maracana dhexdiisa kadib , waxaa loogu bedelay copy-giisa ee Koobkii Asalka ahaa waa laga qaaday , koobkan loogu bedelayna wuxuu qiimihiisu ka badan yahay €10 million.




 




Fifa – Oo si xeel dheer u fikiraysa – waxay garteen inaan koobka aduunka ee asalka ah lagu aaminin xidhiidhada kubada cagta , tan iyo markii koobkii aduunka ee Asalka ahaa ee lagu magacaabi jiray , the Jules Rimet trophy, uu yeeshay taariikh ay tuugada caalamku bartilmaameedsato ka hor intii aan lagu xadinba 1983 kii wadanka Brazil.




 




Wixii intaas ka dambeeyeyna FIFA waxay joojisay inay koobka “Originalka) Asalka ah siiso xulka ku guulaysta koobka aduunka sanadkaas , sababo amaan darteed.