Liverpool ayaa safar ugu baxday oo gaadhay wadanka Maraykanka iyadoo ay weheliyaan xidigeheeda ay dhawaan heshiiska kula soo wareegtay ee Lazar Markovic iyo Fabio Borini.
Qaybiyaha kubada ee Steven Gerrard – ayaa ka soo noqday fasaxii uu ku jiray kadib ciyaarihii koobka aduunka – Isagoo uu weheliyo xidiga John Lennon ayay gegida diyaaradaha ku gaadheen xulka naadigooda Liverpool oo maalintii Axadii duulimaadka ku qornaa, waxaana sidoo kale safarkan ku jiray xidigaha kale ee iyaguna ku cusub kooxda ee Adam Lallana, Rickie Lambert iyo Emre Can.article-
Kooxda dharka cas ayaa wajahi doonta naadiga AS Roma Arbacada , iyagoo ku wada ciyaari doona garoonka magaalada Boston kuyaala ee Fenway Park, ka hor inta aanay u qalab qaadan ciyaarta ku dhex mari doonta Olympiacos magaalada Chicago (July 27), iyo kulanka kale ee Manchester City ku dhex mari doona New York (July 30) iyo ugu dambeynta kooxda AC Milan oo ay ku qaabili doonaan Charlotte (August 2