Tuesday, July 22, 2014

Oramada Ku Soo Badanaysa Hargaysa + Guur La'aanta Dhalinyarada Hargaysa Waa Laba aan is Qaban.


 


soomaaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay 1991 waxii la is ku odhan jiray soomaaliya intaa ka bacdi soomaaliland waxay dhisatay dhamaan haykalkii dawladnimo .





Oramada Ku Soo Badanaysa Hargaysa + Guur La'aanta Dhalinyarada Hargaysa Waa Laba aan is Qaban




waxaa mahad iska leh eebaha abuuray makhluuqa ku nool cirka iyo dhulka intaa ka bacdi waxaan salaamayaa shabakada wararka ee hadhwanaagnews.com sida aan hagarshada lahayn ee ay uugu adeegto shacabkeeda.




soomaaliland waxay xornimadeeda ka qaadatay 1991 waxii la is ku odhan  jiray soomaaliya intaa ka bacdi soomaaliland waxay dhisatay dhamaan haykalkii dawladnimo .




haddaba intaa  ka bacdi waxaa soomaaliland maalin maalinta ka danbaysa  ku soo kordhaaya dadka ajaanibka gaar ahaan wadamada jaarka  waxaa maalin maalinta ka danbaysa ku soo qulqulaaya soomaliland qoomiyada loo yaqaano oramada oo ka timaada dalka itoobiya.




haddaba  hadii aad meel walba oo caasimadaa aad joogto waxaad arkaysaa dad badan




oo ajaanib ah  oo jooga goob kasta oo caasimada ah gaar ahaan wadooyinka, meelaha dadka la iskugu yimaado,  meelaha ay basaska ay itigaan , iyo meelaha eebe lagu caabudo( masaajidada)




waxaa kaloo aynu la wada soconaa dadkaa ajaanibka ahi in ay qabtaan waxyaabo badan oo  ay  qaban lahaayeen dadka u  dhashay wadanka  shaqooyinkaa waxaa ka mid ah  farsamooyinka guryaha  iyo shaqooyinkii hoose  ee ay qaban  lahaayeen dadka muwaadiniinta ah .




ajaanibka faraha badan ee dalka ku soo badanaaya  waxay dhibaato ku keeneen  bulsha waynta soomaaliland oo aad moodo in ay maalinba maalinta ka  danbaysa sii badanayaan .




 




haddaba su,aasha meesha taala waxay tahay guur la,aanta dhalinyarada  iyo ajaanibka ku soo badanaaya wadanka ?




 




waxaan talo ku  soo jeedin lahaa hadii aan laga  hortagin ajaanibka ku soo badanaaya wadanka waxaa iman doonta dadkaa oo deegaan ku yeesha hargaysa  oo noqda mid ka mid ah beelaha lagu xisaabtamo reer soomaaliland waxaan leeyahay hadii aan laga hortagin dadkaas waxaa meesha ka bixi doona muwaadiniinta  u dhashay soomaaliland .




 




haddaba guurla,aanta haysta dhalinta soomaaliland waxay daaha ka faydaysaa  in ajaanibku fursad ay ka helaan oo ay ku soo bataan wadanka taasina ay dhaxalsiiso in wadanka meelo badan deegaan ku yeeshaan oo ay ka mid noqdaan dad xaq iyo xuquuq ku leh wadanka .




 




dadka ajaanibka oo soo bataa waxay keenaan dhibaatooyin badan oo ku yimaada bulsho ahaan dhibaatooyinkaa hadii aynu wax ka xusno waxaa ka mid ah




 




1: caafimaad daro waxaynu wada ognahay hadii aad u fiirsatid dadka ajaanibka meelaha ay fadhiistaan waxaa dareemaysaa nadaafad daro taasina waxaa ka dhalan kara caafimaad xumo




 




2: ajaanibka oo sii bataa waxay keenayaan sixir barar hadii ay baahidu korodho waxaa kordhaysa in ay dadku wax iibsadaan taasina waxay keenaysaa ay keento in ay alaabtu qaali noqoto.




 




3: shaqooyinkii oo ay ka qaadeen muwaadiniintii wadanka u dhashay taasina waxay keentay in ay dad badan ka tahriibaan wadanka oo ay u tahriibaan wadamada reer galbeedka oo ay ka door bideen in ay ku nooldaan wadankooda taasina waxay fursad u siinaysaa in ajaanibka  ku soo higtaan wadan aan la hayn .




 




dhibaatooyinka ay inagu hayaan dadkaasi  wax halkan lagu soo koobi karo ma ah hadii  xataa qalin iyo buug u qaadano .




 




waxaan  hadalkayga  ku soo afmeeri lahaa ajaanibka wadanka ku badanaya iyo guurla,aanta dhalinta soomaaliland waxay keenaysaa in muwaadiniita u dhashay wadanku ay ka haajiraan wadankoodii una  haajiraan wadan aanay lahayn sida maanta dhacday oo in badan oo dhalinteenii ah ay ka ambabaxeen  wadankoodii .




 




Eco: Abdi Rashiid Ali Jaamac ( ibnu giriig)




 




Hand phone 063_4108610




 




giriig889@hotmail.com




 




student at university of  hargaisa ( BEA)