Tuesday, July 22, 2014

30 Masuul oo ka socda Somaliland ayaa Madaxweynaha Djibouti ku casuumay Xaflad Meher ah


[caption id="attachment_91398" align="alignleft" width="300"]Muuse iyo Cirro oo gaadhay Djibouti Muuse iyo Cirro oo gaadhay Djibouti[/caption]Djibouti(GNA)-Masuuliyiin ka socda laamaha dawladda Somaliland ayaa ku sii qul-qulaya dalka Djibouti, halkaasoo madaxweynaha dalkaasi ku casuumay Xaflad uu ku bixinayo mid ka mid ah Hablihiisa.




Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo madax kale oo ka tirsan Xukuumadda, Asxaabta iyo Ganacsada Somaliland, ayaa ka mid ah dadka lagu marti qaaday Xafladaas.




Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka gaadhay Maanta Magaalada Djibouti, waxaana wehelinayay xubin kale oo ka tirsan Xisbiga Waddani.




Xaflada ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalmaha soo socda, iyadoo ay Magaalada Djibouti gaadheen inta badan masuuliyiinta Somaliland ee lagu marti qaaday.




Gabadha Madaxweynaha Djibouti dhalay ee la bixinayo, waxa Guursanaya xubin ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jibouti.




Tirada Masuuliyiinta ka qayb-gelaya Xaflada Meherka Gabadha uu dhalay Madaxweynaha Djibouti, ayaa noqonaysa tiradii ugu badnayd masuuliyiin ka socda Somaliland oo dalkaasi hal mar wada booqda.




Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo Jimcihii ka dhoofay Hargeysa, ayaa ka soo dhex muuqday Djibouti, iyadoo hore loo sheegay inuu dalka sucuudiga u raacay Wasiirka madaxtooyada oo halkaasi u tegay Cimraysi iyo arrimo kale.




Samaale ayaa ku hakaday Dalka Djibouti si uu uga qayb-galo Munaasibada.




Dalka Djibouti ayaa xidhiidh bulsho oo aad u qoto dheeri ka dhexeeyaa Somaliland, ka sekow xidhiidhka  dhanka Siyaasadda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com