Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa la-taliye u magacowday oo dhawaan iska casilay
29 bishii June ayaa loo magacaabay La-taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynaha dalka, sida ku xusan wareegto Madaxweynuhu soo saaray.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa iskii isaga casilay Xilka Wasiirka amniga qaranka, kaddib markii uu ku guul-daraystay wax ka qabashada amni darada ka jirta dalka, gaar ahaan Caasimada.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu isku casilay.
Hase ahaatee waxa haatan isweydiin mudan sababta uu xilkan cusub ugu magacaabay oo u muuqata inuu ka maarmi waayay.
Waxa uu xubin firinfircoon ka yahay dadka ay siyaasadda xulafada ku yihiin Madaxweyne Xasan Sheikh, isla markaana uu talooyinka ka qaato.
Akhri wareegtada lagu magacaabay: