Saturday, July 5, 2014

Wax ka baro Bisha Ramadaan.Q3aad


W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI




 




 




3. EEDAABTA QOFKA SOOMAN LAGA RABO




Soonku maadaama uu yahay Cibaado Ilaahay loogu dhawaanayo, isla markaana uu addoonku kaga doonayo abaal marin iyo dambi dhaaf, waxaa fiican inuu addoonku waxyaalaha Khayrka ah badsado, oo iska ilaaliyo waxyaalaha u keeni kara Soonkiisa Ajar yaraan iyo nusqaan, waxyaalaha qaofka looga baahan yahay inuu ku dadaalana waxaa ka mid ah.





  • AKHRINTA KITAABKA ALLEH.




Akhrinta Quraanka oo ay tahay in mar walba uu addoonku ku dadaalo Quraanka akhrintiisa iyo barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu bisha Soon sii kordhiyo laga rabo, waayo bishani waa bishii rabi soo dajiyey quraankiisa, gaar ahaan habeenka loo yaqaan laylatul qadri, sidaas oo ay tahay ayaa xataa nabigeenii suubanaa (NNKHH) la subcin jiray quraanka malaku jibriil bishan ramadaan, markaa waxay tahay in inagana la inaga helo quraan akhris badan iyo sidii nabiga oo aynu quraanka subcino, labalaba qof ama jamacaaba, si aynu kor ugu qaadno kitaabka Alle.





  • KU DADAALKA SALAADAHA.




In lagu dadaalo salaadaha ha noqdaan ku faralka ah, ama kuwa sunaha ahbe, waxa fiican in ramdaan gudaheed la camiro masaajidada salaadahana la oogo, waxana wacan in iyadana gaar loogu fiirsado salaada taraawiixda, iyo salaatu laysha labadaba, waayo labo salaadood oo Nabigeenu (NNKHH) inoo sheegay ajar badan iyo fadli dheeraada uu ku duuganyahay, waxa wacan in lagu da’daalo oogida iyo tukashada salaadaha rabi ina faray inaynu la nimaad.




 




 





  • AFURKA OO LA DADAJIYO.




Afurka oo la dadajiyo, taasoo ah inu qofka Soomani uu dadajiyo afurka marka uu hubsado in cadceeddi dhacday. Nabigeennu (NNKHH) yidhi "dadku khayr bay ku jiraan inta ay afurka da’dajinayaan"  Waxaana fiican in uu qofku ku billaabo timir, haddii uu waayana biyo. Nabigeenu (NNKHH) wuxuu yidhi "haddii midkiin Sooman yahay ha ku af billaabo timir, haddii u timir waayana biyo ha ku billaabo " sidoo kale waxaa fiican inuu qofka afurayaa ducaysto. Nabigeenna (NNKHH) wuxuu yidhi " Saddex Ducadooda lama celiyo waxa ku jiray,  Ka Sooman ilaa uu ka afuro’’ sidaas ayey tahay inaynu dadajino afurka, waxaana sii haboona in laga danbaysiiyo salaada maqrib afurka.





  • SUXUURTA OO DIB LOO DHIGO.




Suxuurta oo ah inuu qofka muslinka ahi uu cuno cunto isla markaana uu dib u dhigo waa shay muhim ah,  Rasuulkeennu (NNKHH) " Suxuurta, Suxuurtu waa Barako " umadda Muslimiinta ahina waxay isku raaceen inay arrin wanaagsan tahay, laakiin qofkii ka taga dambi ma raacayo. Waqtigeeduna waa gelinka danbe ee habeenkii ilaa waagu ka dillaacayo, waxaana haboon in dib loo yar dhigo.





  • DUCADA OO LA BADIYO.




Ku dadaalka ducada gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha barakaysan waa shay qaaliya, tusaalana waxa inoogu filan asaxaabtii rasuulku inay  ahaayeen qaar ku da'daal ramadaanta ducada, adna noqo kii Eebe barya bishan ramadaan, danbi dhaafna weydiista, waayo waxaad tahay ina nabi aadam gafaya galin hore iyo galin danbe-ba, rabigaa danbi dhaaf wey diiso, umadda muslimka ahna u bari inuu ka saaro dhibaatooyinka haysta, meelkasta oo ay ku suganyihiin.





  • KA FOGAANSHAHA WAXA SOONKA JABIYA.




Iska ilaalinta wax Soonkaaga wax u dhimi kara, taasoo ah inuu qofku iska ilaaliyo wax Soonkiisa wax u gaysan kara, iyadoo ayna ahayn in Soonku kaliya uu yahay in laga Soomo cuntada,iyo cabitaanka balse uu yahay camal suubanaan Ilaahay loogu dhawaanayo. Nabigeennu (NNKHH) ‘’Ka aan ka tagin beentu iyo ku shaqaynteeda, markaa Ilaahay waxba ugama baahna inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabitaankiisa" waxa haboon inaynu ka dheeraano waxa soonkeena wax inaga yeelay, suurta galna ka dhigi kara inuu jabo.





  • XOOJINTA TOBANKA DANBE.




Tobanka dambe ee bisha Ramadaan waxay mudan yihiin in lagu dadaalo si looga faa’idaysto khayr badan ee ku jira, waa toban Eebe laga magan galo in naarta kaa xoreeyo, waa toban Rabi ku dhex qariyey habeen ka fadli badan KUN habeen, iyadoo ay ka sugnaatay Nabigeenna (NNKHH) in uu umaddiisa ku booriyay inay habenka Laylatul-Qadriga ka baadhaan tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Caa”isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay tidhi Nabigu (NNKHH) “marka ay tobanka dambe soo galaan habeenkii ayuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu kicin jiray, guntiga ayuuna giigsan jiray" markaa waxa haboon inaynaan ka saxeexan tobankaa danbe salaatu layshana tukano, ilaahayna barino inuu inaga yeelo kuwuu naarta ka xoreeyo, inana waafajiyo laylatul qadriga




 




Si kastoo ay tahay waxa haboon inaynu la nimaadno Eedaabta bishan barakaysan ee ramadaan, si aynu uga faaidayno camalka aynu la imanaynan u noqdo mid ka dhamaystiran dhinac kasta si Eebe koreeye inooga aqbalo, Alle waxaynu ka baryaynaa inuu inaga aqbalo camalka aynu la imanayno.




 




wirdaani@hotmail.com




www.wirdaani.wordpress.com




Hargeisa Somaliland




LA SOCO............