Markii la qiimeeyay masuulintii xukumadii madaxwayne Riyaale ee dagaalka ba.aan kula jirtay mucaaridadii xisbiga kulmiye Maareeyaha dakada berbera eng cali xoorxoor ayaa wuxuu ahaa halyey madaale oo aan hadh iyo habeen dagaalkii lagula jiray xisbiga kulmiye isago ahaa masuulka kaliya ee min berbera lawyacado laasqoray ilaa hargaysa ka dagaalamayey ee ay ka ladi waayen masuuliyiintii xisbiga kulmiye ee ka hawl gali jiray jiidaaha kala durugsan ee an kor ku xusay maareeye eng cali xoor xoor waxaa lagu tilmaami jiray in uu xukumadii riyaale ugu jiray kaalintii sayid cali asxaabtii ugu jiray
Eng cali xoor xoor ayaa xisbiga kulmiye waxay uga caageen in ay fooda galiyaan jiida u dhaxaysa berbera ila hargaysa oo wax kale iska daayo lagu arki waayay calanka kulmiye meel uu sudhan yahay waxaa lagu xasuusta halgankii maareeye eng cali xoor xoor kula jiray xubinihii mitidka ahaaye ka tirsana xisbiga kulmiye in ay u suuro gali waydo xafiis kaliya oo xisbiga kulmiye leeyahay oo 48hrs ka furnaada jiida u dhexaysa berbera ilaa hargaysa isago xafiis kasta oo xisbiga kulmiye loga furo deegaanadaas mulkiilaha guriga laga kiraystay siin jiray toban laab kiradii lagaga kiraystay guriga waxa dhici jirtay gurigii uu maanta kulmiye xafiiska ka furtay in bari ninkii lahaa aalaabta dibada ugu daadiyo ilayn wa nin sanad kiradii dakadu siiyaye
hadaba iyado xukumada m/wayne siilaanyo dib ugu magacawday maareeyaha dakada berbera eng cali xoor xoor ayaa mudadii uu joogay ee uu maareeyaha ahaa xukumada m/wayne siilaanyo kala kulan tay beesha saaxiil mucaaridadii ugu waynayd abid beesha saaxiil oo ahayd beel aan hore logu aqoon in ay mucaarid noqdaan oo kolba tii xukumadii talada dalka haysa uun taageeri jiray ayaa noqtay bad waynta ay ka soo burqanaya mawjadaha mucaarid ee ku kacsan xukumadam/wayne siilaanyo
Taniyo maalintii golaha deegaanka berbera ay dooranayeen maayarka iyo maayar ku xigeenka degmada berbera ayaa magaalada berbera waxay noqotay dagmada kaliya ee xisbiga kulmiye sagaal xildhibaan ka helay isla markaana waxay noqotay magaalada kaliye ee xukumada m/wayne siilaanyo indhahoodo shan ah hadhcad laga dhaqaajiyo maayarkii iyo maayar ku xigeenkii oo ay qaatan labada xisbi mucaarid ee ucid iyo wadani mudooyinkan ugu dambeeyay mawjadaha mucaaridad xooga badan ee xukumada ee kaga imanaya beelaha subeer awal gudo iyo dibadba in hogaaminaya dad ka soo jeeda beesha saaxiil waxaa aan qarsoomi karin sida mudaharaadyadii berbera ka dhacay ee lagu taageerayay gudomiye muuse biixi cabdi xildhibaanadii golaha deegaanka degmada berbera ee la xidh xidhay taageerayaashii ka digarotay xisbiga kulmiye ee xarunta dagamada madheera ee abdaal
kuna biiray xisbiga mucaaridka ah ee ucid kumanaankii ardaydii jaamacada magalada hargaysa ahaa ee wiigii hore xisbiga mucaaridka ah ee ucid xaflada so dhawaynta ah ugu qabtay hotelka cwron ee hargaysa oo iyaguna ka digarogtay xisbiga kulmiye waxa kale oo aan la ilaawi karin xafladii hotelka maansoor ee magaalada berbera wiigi hore xisbiga mucaaridka ah ee wadani uu ugu qabtay boqolaalka mida ardayda jaamacadaha magaalada berbera oo iyaguna ka diga rogtay xisbiga kulmiye
waxa hadaba la is waydiinaya ma maareeyahaan maareeyihii hore ahayn ma madaxwaynahan musharaxa madaxwayne ee doorashada so socota 2015 ka tartamaya ahayn
WA BILAAHI TAWFIIQ
LIIBAAN AXMED CIGAAL
TELL 4848071