W/Q Mohamed Yousof Bakayle
Waxan doonaya inaan Wax xooga ku darsado qoraalada suuban iyo hadaladda bilaa xiqdiga iyo xumaanta ah, dood wadaaga haldoorka iyo migaha saxaadda Ee qormadda xiisaha leh Ee “Maxaynu Askar U Noqon Waynay”?!
Waxana IDHI
Inbadan oo kuwaas kamid ah Sidaan qabo Waa baadi doon Aduun (LACAG) balse maxay askar u noqon wayeen Si ay lacagtaas uhelaan? Waa Isweydiin
CUMAR SEERBIYA Mahad Iyo Tixgelini :- isaga ayaa qeexay Sida cid waliba camalkeeda uga feejigan tahay Dad canjilaa.
Waayahaygi Da'yarnimo waxan higsan jiray sida ay wax u tebinayaan kuwa aan ka maqlo idaacadaha anoo miyiga joogo iyo magaaladaba Inaan aniguna maruun sidaa u hadlo.
HADDABA Hadlay ee halkaan ka hadlay tolow Maxaanse ku hadlay ?
Waa'aya arag inaad wax ka dhegaystaa waa dariiqa qudha ee guusha sebenkaygu inaan mihnaddan kusoo biri wuxu ku beegmay mid adag oo Dadku ka wada siman yahay inta aan qaban karo waxan aan tebin karo iyo qalabka aan sitoba wa suqaa aad sariibada moodo wa wada shaqa tag waa wada Suxufi dadku, qof iyo calafkii.
Waagu marku qalalac yidhaahdo ayuu soo lalan sanayaa Qalabka suuqu soo geleya sidii in sariibad lagasoo adeegayo dadka uu ushaqeeyo wuu ku jikaaraya Xogaaga aduunka Ah ee la siiyo waxabad mooda In uu xoolo nool nool saylada Keenay.
Hadu ka waayo siduu rabay ama lagu xisaabtami waayo isaga wuxu doono ayuu qoraya waxana isku deyayaa inuu dhalan rogo warkii ay suura geli wayday in lasoo marti qaado.
Dadku markay ka cawdan caqligiisa Caatada ahi saxiibkay wuxu siinaya caan baad noqotay maantuunba caalamka lagaa bartay iyo cidaasi way kaa biqi doonta.
Mihanadani waxay noqotay suuq wax lagu kala iibsado ninkii doona u isticmaalo faafinta daacayadaha raqiiska ah iyo xumaan ka sheega inbadan dadka aan geyin dulaan iyo weeraro caadifadaysan.
''Nin sheegta in uu mihnadan ka shaqeeyo ayaa igu yidhi saxiibow Tv hebel ayaa ka shaqaysa inta badana reerkiina ayuu aflagaadeeya ee maxad uga tegi wayday niyow ma bila dhiig bad tahay"
Cid walba milgaha sharafta iyo karaamada mihnadeeda way difacata laakiin wada Halaada mihnadani waxay ubaahan tahay Badbaado?
Umad Wada Suxufi Ah?
W/Q Mohamed Yousof Bakayle
Mbakayle@Gmail.com