Wednesday, July 2, 2014

Kalluumaysato Cashuur bilaa Qaansheeg ah lagaga qaaday Saylac iyo Ashkato ka dhalatay


Sarkaalka Xafiiska maaliyadda ugu sareeya oo ka gaabsaday inuu ka jawaabo Eedeyn uga timi Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Djibouti




Saylac(GNA)-Muran iyo jahawareer ayaa ka taagan Gobolka Selel, Xafiiska Cashuuraha u qaabilsan, waxaanay taasi imanaysaa xili dhawr maalmood laga joogo gacan ka hadal dhex maray Masuuliyiinta dawladda ee Gobolka qaarkood oo uu ka mid yahay madaxa Xafiiska Cashuuraha ee Gobolku.




Kalluumaysato Canfar ah, ayaa maalmihii la soo dhaafay ka cawday lacago cashuur ah oo sifo qaldan looga qaaday, taasoo inta lacagkii laga qaaday aan jiwano loo jarin.




Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dalka Djibouti Xasan Cumar Maxamed ayaa la sheegay inuu Badhasaabka Gobolka Selel u soo gudbiyay Dacwad ka dhalatay cabasho ay  u gudbiyeen Kalluumaysatada canfarta ahi.




Wasiirka Dawladda Djibouti ayaa la sheegay inuu Guddoomiyaha Gobolka Selel ku war geliyay in Kalluumaysatada loo jarin Jiwanada Cashuurta, iyadoo lacag laga qaaday, taasoo uu ku tilmaamay arrin meel ka dhac ku ah xidhiidhka labada dawladdood.




“waxay ahaayeen Kalluumaysato Canfar ah oo ka kalluumaysta Xeebaha Saylac iyo Lughaya, waxay ka cowdeen inaan Jiwanadii Cashuurta loo jarin lacagtiina laga qaaday, arrintaana waxa lagu eeddeynayaa xafiiska Cashuuraha Beriga ee Selel oo dawladda uga masuul ah arrintaas”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay sarkaal ka tirsan laamaha dawladda ee Gobolka.




Hase ahaatee Sarkaalka Cashuuraha Gobolka qaabilsan Cabdirisaaq oo Gobanimonews la xidhiidhay ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo arrintan.




Ninkan oo sida muuqata dillo ka haysta madaxda ugu saraysa dalka, isla markaana qayb ka ahaa fowdada dhex martay Maamulka Gobolka ayaa sheegay “anigu wax war ah oo aan bixinayaa ma jirto, waxaan ogahayna ma jirto, hadaad war u baahantahay kaa aad haysato sii daa”ayuu yidhi Cabdirisaaq.




Waanu ka war wareegay inuu war intaas ka faahfaahsan bixiyo.




Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xili xaasaasiyad dhanka ammaanka ahi wali ka taagantahay soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Djibouti oo la aaminsanyahay inay ka gudbeen laba ruux oo bishii May isku qarxiyay meel dadka ajaanibka ahi sharaabka ka cabaan oo ku taala Magaalada Djibouti.




Gobanimonews




Saylac Office




Email: editor@gobanimonews.com