Tuesday, July 22, 2014

Baro oo Dadka Bar Sida loo Bixin lahaa Fidrada”Fidri micnaheedu Waa sadaqo la bixiyo marka soonka la furo


Fidrada waajibnimadeeda waxa cadayn u ah




Ibanu cabaas wuxuu yidhi (ala ha ka raali noqdo)nabiga CSW wuxuu nagu waajibiyay fidrada wuxuuna yidhi waxay daahirinaysaa qofki soomanaa qaladyadi ka dhacay sida hadaladii macna la’aanta ahaa iyo caayda iyo wixii la mid ah.(1)




 




Waqtiga ay waajibto iyo qofka ay ku waajibto




 




Waxay wajibtaa maalinka ugu danbeeyo bisha soon,




(2) (asxaabta rasuulka SCW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen maalin ama laba maalmood ka hor maalinka ciida ah,




(3) waxaa ugu danbaysa bixinteeda marka salada ciida lagalo),waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslim ah oo haysta wuxuu cuno isaga iyo dadka uu masuulka kayahay maalinka ciida ah iyo habeenkeeda wax ka dheeraad ah.




(4) Cabirka labixinayo iyo noocyada lagu bixinayo




Abii saciidul khudri alaha ka raali noqdee wuxuu yidhi waxaanu ahayn kuwa bixiya xiligi nabiga SCW (saac oo raashin ah)




(5) saacu wuxuu u dhigmaa labo kiilo iyo afartan garaam, cuntada la bixinayo waa cuntada dadka badankii cunaan sida bariiska, baastada, daqiiqda, sonkorta, qamadiga…. i.w.m.




(6) Nabiga SCW iyo asxaabtiisa alaha ka raali noqdee kama sugnaanin inay lacag ku bixiyeen taa macnaheeda wuxuu yahay lacag laguma bixin karo, laakiin lacagta aad ku bixiseen waa in raashin loogu iibiyaa masaakiinta, ee aanan lagu siin lacag cadaan ah.




 




Yaa la siinayaa




 




Qofkasta oo miskiin ah iyo todobada kale ee ay aayda sheegtay,




(7) waxaan ajar badan, oo waliba afdal ah inaad siiso masaakiinta magaalada kula joogo,




(8) miskiinka waa qofkasta oo wixiisa aysan ku filnayn.




Side  loo bixinayaa




Qofkasta inuu raadiyo miskiinka




(9)




1 ehelkiisa.




2 dariskiisa.




3 qofkasta oo muslima ah.