Wednesday, July 2, 2014

Soomaaliya: Dacwada Lahaanshiyaha Tv-ga Universal Ee laysku Haystay Oo maxkamadda Racfaanku Soo Afjartay


Muqdisho(GNA) Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo muddo dheer baafineysay Axmed Abuubakar Mubaarak ayaa cadeysay in Cabdiqaadir Maxamed Aadan uu Milkigiisa leeyahay Telefishinka Universal oo ay xaruntiisa tahay Magaalada London.




Dacwadaan oo Ilaa iyo 3 Sano ka socotay dalka dibad- iyo gudahiisaba ayaa waxey u egtahay mid soo afjarantay.




“Maxkamadda waxey cadeyneysa in C/qaadir Maxamed Aadan uu leeyahay Milkiyadda Tv-ga Universal, kadib markii Maxkamadda losoo gudbiyay dokumeniyo cadeynaya” – Ayaa lagu Qoray Warqadda kasoo baxday Gudoomiyaha Maxkamadda oo aanu helnay.




Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Baariyow) ayaa sheeganaya Lahaanshaha Universal TV, waxaana Qareen u ahaa ninka loo Xukmiyey Telefishinka Aw Xaawo Xaaji Sabriye.




tv universal1tv universal2tv universal3




Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gal dacwadeedku ka furnaa ayaa dhawr jeer looga yeeray Axmed Abuubakar Mubaarak, balse arrintaas waa uu ka dhega adkeyay, waxayna dacwaddu u gudubtey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, oo iyaguna dhawr jeer u yeeray.




Maxkamadda ayaa hada awood u leh xidhitaanka dhamaan Xafiisyadda Universal TV ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegayaa