Burco(GNA)-Qaar ka mid ah Ganacsatada,Aqoonyahanada,Culimada iyo Saxaafada Gobolka Togdheer oo iskood isu xilqaamay Ayaa Magaalada Burco ka Bilaabay qorshe lacag loogu urinayo Bisha Rabadaan dadka Tabaalaysan ama Foqorada iyo masaakiinta ku nool Magaalada Burco,Maadaama lagu jiro bishii ramadaan ee barakaysnayd isla markaana ay jiraan dad danyar ah oo aan dab shidan xili lagu jiro ramadaan.
Qorshahan lacagta loogu uruurinayo dadka baahan oo bilaabmay, ayaa dadka ka shaqaynayaan waxay dadwayanaha reer Burco iyo iyo Islaamka ugu baaqeen inay ka qayb-qaataan,waxaanay fariintooda si gaar ah ugu bandhigeen Ganacsatada iyo dadka kale ee Ilaahay wax siiyay oo ay u soo jeediyeen inay ka qayb-qaataan.
“ Waxa lagu soo hagaajinayaa wixii Taakulo ah buug xisaabeedka “No''11687 Dahabshiil.Acoun No''58044 Amal iyo khadka Zaad 4432618”ayay ku shegeen shir jaraa’id.
Shiikh Cali Mawliid oo ka mid ah Culimada hawshan khayriga ah isu xil qaamay oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Burco ayaa yidhi “Markii aanu aragnay in ay jiraan dad badan oo bishaas aan dab shidan,qaar waalwaalan oo wax la siiyo loo la’yahay” “dadkana waa laysku eegayaa” ayaanu iskayo isu xilqaanay inta awoodayada ah”ayuu yidhi Sheikh oo sii tilmaamay “dadkaas dhibaatadu hayso sidii aanu uga dul qaadi lahayn baahidaas gaar ahaan dadkaas,sidaas awgeed waxaan umada islaamka ugu baaqaynaa inay kusoo shubaan Acuonada kala ah -11687 Dahabshiil.Acoun No''58044 Amal iyo Zaad 4432618.”ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.
Nuur Ducaale Diiriye oo isna ka mid ah Ganacsatada reer Togdheer oo isagu si wayn uga qayb qaatay hawshan tabatucaadka lagu uruurinayo ayaa yidhi''Maadaama waxa bisha rabadaan la bixiyaa ay ka ajar badan yihiin waxa la bixiyo bilaa inta kale,ayay nala noqotay inaanu dadka ku baraarujino inaanu dadka baahan la afuriyo.
Xuseen Qorshe,Xirsi Macawis,Axmed Sakaaro, Cali Suun iyp Mahad Nuux oo iyaguna ka mid ahaa xubnaha Ololaha Taakuladda ah isu abaabulay ayaa ayaa Bulshada ugu baaqay in ay is caawiyaan, kana faa’idaystaan ajriga Sadaqada ku sugnaaday Bisha Barakaysan ee Ramadaanta.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: axmedmm9@hotmail.com