Sunday, June 1, 2014

16 Al-shabaab xidhiidh la leh oo lagu qabtay Tansania


Tanzania1002-ArushaArusha(GNA)-Ciidamada tanzania ayaa 16 qof oo laga shakisan yahay inay xidhidh la leeyihiin ururka alshabaab ku qabtay magaalo dalxiiska arusha.




Agaasimaha waaxda baarista danbiyada  dalkaas Isaya Mngulu ayaa sheegay in 16 qof ay xidhidh la leeyihiin ururka alshabaab aanay qaraxyo ka gaysteen magalada arusha ee dalka Tanzania.




 Hawlgalka dadkan lagu soo qabqabtay  wali wuu soconayaa iyado oo ay jiraan dadkale oo laga shakisan yahay inay xidhidh laleyihiin ururka alshabaab oo qaraxyo kale duwan ka gaystay magalada arusha sanadi lasoo dhafay.




 16 qof ayaa rag ah una dhashay dalka Tanzania.




Maxkamada darajada koowad ee magalada arusha ayaa loo gudbiyey si loo dhagaysto dacwadooda.




Ururka Al-shabaab oo fadhigiisu yahay dalka Soomaaliya ayaa sanadkan si weyn dagaalyahanadiisu ugu fideen wadamada ku yaala Bariga Afrika, iyagoo weeraro kala duwan ka geystay dalalka Kenya, Uganda iyo Djibouti.




Cabdiraxmaan buurdhaab




Gobanimonews




 kitale Kenya /Office




 

Maxaa Sabab u ah In Cashuurta laga qaado Shacbiga Gabiley laaluush loo adeegsado?


Maxaa Sabab U ah In Caashuurta Laga Qaado Shacabka Gabiley, Xoghayaha Dawlada Hoose u Adeegsado Soo Abaabulka Odayaasha Waji Kumacaashka iyo Laaluushka uu u  Siiyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka.




 




xoghayeeeWaxaa La Sheegayaa Hadda In Ilaa Xalay Uu Abaabulayey Odayaal iyo Dadka Wax Magaratada Ah Ee gobolka Taas oo Shaashadaha uu Kasheego in Ay Taageersan yihiin Madaxweyne




 Siilaanyo, Cashuurtii Dadka Danyarta Ah Ayuu U Adeegsadaa In Uu Iskaga Dhiso Laaluushna uu u Siiyo Xildhibaanada Golaha Deegaanka, iyo qolooyin gabiley u noqotay hartii looyar....sidaas waxaa ku Tiraabay Mid Kamid Waayeelka gobolka Gabiley.Ahaana Macalin Wakhti Dheer Waxkasoo Dhigayey Gobolka gabiley....




Warbixinaha ka imanaya gobolka gabiley ayaa sheegaya in maalmahii u danbeeyey maamulka dawlada hoose oo uu horseed u yahay xoghaya dawalada hoose ee gobolka gabiley, C.raxmaan Nuur Abokor uu Ku Mashquulay Arrimo Siyaasadeed Oo Ku Luminaayo, lacago la sheegay in uu musuqmaasuqay iyo cashuurtii bulshada danyarta ah ay ahayd in wax loogu qabto oo lagu bixiyo laaluush iyo in maalinba afar oday oo waji ku macaash ah iyo dhalinyar inta gidaar lasoo fadhiisiiyo la yidhaaa, madaxweyne shacabii gabiley waa ku taageereen,




waxaan warbixinahaasi intaa ku dareen in ilaa caaawa fiidkii hore uu xoghayaha dawlada hoose ku mashquulsanaa soo ururinta iyo wacyi galinta odayaal la sheegay in maalinta barito ah ay baaq cod dheer ugu taageeri doonaan madaxweynaha iyo is sharaxaadiisa,




iyadoo dhanka kale laga abaabulayo magaalada gabiley mudaharaad balaadhan oo laga hor tagayo amuurahaas lidka ku ah gobolnimada ee aaney bulshada kawada raalida ahayn,




si kastaba ha ahaatee arrimaha noocan ah ayaa kusoo beegamaya xili munaasibadii sideed iyo tabankii may kadib shacabka iyo waxgaradka gobolka gabiley ay ku eedeeyeen maayirka iyo xoghaya dawlada hoose in ay musuqmaasuq baaxad leh ku kaceen, kuna dambabaseen sheegeena in lacago aan macquul ahayn ay ku bixiyeen xuskii munaasibada qaran,




Haddaba maxaa u sababa masuulkan wasaarada arrimaha guduhu u xilsaaratahay ilaalinta iyo ugu adeegida shacabka gabiley inuu u adeegsado lacagahaasi arrimo dadku gobolku sida fiinta uga qaylyeen,




Waxaana nuxurka warbixintani baaq u tahay in si degdeg ah ay wax uga qabtaan , maamulka gobolka lexejeclada ka qabaa haddii kale aaney dhici doonin in maalin danbe aan malaayiin dollar lagu kharashgareyneynin. waxaan dalka iyo dadka reer gabileytoona dani ugu jirin.




Lasco wixii warbixinahaas kasoo kordha.................................................................




W/Q Axmed OSman

Saaxil:Gobol La Gumaysto


Allahayow Bardaankiyo,  Kala-badhashadii Guud




Barbar Qudha In Laga Raro….




 Taariikhda waxa loo qoraa in la ogaado wixii hore u dhacay si looga digtoonaado asbaabaha keena waxyaabaha halist ah.  Somalidu maaha dad wax qora oo taariikhdooda ugu badani waxa laga helaa gabayada kuwaasi oo inta badan noqda sheeko sugan.




Sheekooyinka kale ee la soo tebiyo badankoodu maaha qaar lagu kalsoonaan karo mar hadaany loo hayn qoraal iyo goobo sugan oo ay ka dheceen.




Dhacdo taariikheed kasta maaha kuwo inta badan mala awaal ah ee waa kuwo laga soo minguurinayo  goobo sugan , badankoodu waxa soo tebinaya dad waayo arag ah oo goobahaasi hore joogay ama wakhtiga cid joogtay oo la rumaysan karoa uga warantay.




Wakhtigii Siilaanyo uu waday halagankii kursi jacaylka ah, ayay dad badani odhan jireen waa la soo arkay hogamintiisa ma dhaafsiisna :




-          Qabyaalad iyo eex   - Inuu noqodo keligii taliye ee iska dhaafa doorashadiisa.




-          Reer Berber marka laga hadlayona waxa la sheegi jiray inuu yahay nin aad u neceb oo raba inuu Berbera ka sifeeyo beesha degta oo cadaawada xoogan uu u qaba.  Dad badan wakhtigaasi waxaan u haystay weedho been ah oo ay abuurayeen kuwii udub.




-          Laakiin maanta aya la ogaaday xaqiiqda inuu rabay inuu Berbera sidaasi laga sheegayo uu gadhsiiyo bulshada ku nool uu ka tirtiro.




-          Siilanyo beesha Berbera dawaladiisa dhexe waxba kama siin oo wuxu saaray cadaadis kii ugu xuma. Tusaale ahaan waa beesha marka la eego beelaha kale oo dhan ug mansbayada yar . Waxa keliya ee ka hooseeya waa beesha gabooyaha.




-          Isagoo sidaasi ka yeelay ayaanu kaga hadhin wuxu ugu yimi gobolkii Saaxil ee ay ka soo jeedeen, isago kaasina ka sifeeyay maamulka gobolka.




-          Markii SIilaanyo qabsaday dalka masnabayada ugu waaweyn ee gobolka waxa hayay deegaanka dad ka soo jeeda sida :




-          Badhasaabka Gobolka




-          Xogyaha dawladda




-          Maamulaha Kastamka Berbera




-          Taliyaha Ciidanka Booliiska




-          Madaarka Berbera




Mansabyadan oo ah kuwa ugu waaweyn gobol kasta ma jirto Berbera mooyee gobol intaasi oo mansab ay haystaan dad aan deegaankiisa ahayn. Wuxu adeegsanayaa inuu marka danbe keensado dhamaantood kuwo beeshiisa ah isagoo wakhtigan keensaday xoghaye beeshiisa ah iyo isuduwayal fara badan.




Mansab kasta oo ka soo baxa Berbera waxa halgan u gala rag beesha Siilanaayo ah oo raba inay qabtaan si gobolka looga sifeeyo beesha deegaanka, hadday isuduwe tahay iyo haday mid kale tahayba. Maanta Berbera waxa kaga badan beeshiisa dhinaca shaqada beesha asal ahaan deegaanka lahayd.




Haddaba waa inay reer Berbera iska xoreeyan gumaysiga cusub ee Siilanyo xukuumadiisu ku hayso beesha ee ay la wadaan Samale , Xirsi , Maxamud Xashi.




Siilanyo oo shan danbe la doorta muxu ku samayn beesha isagoo shantan hore baabiiyay. Ilaahaw hanugu soo celin dulmigiisa.




Ma jiro gobol golahiisa deegaanka la xidhay kan Berbera mooyee waana bahdilaad iyo nooc gumaysi oo ah cadaawadda Siilaanyo u qabo Reer Berbera.




 




 




Goobaha uu beeshiisa ku wareejiyay waxa ka mid aha:




1-   Maxajarka iyo Neck fish




2-   Waxaana la qorsheeyay in isuduwaayasha wasaaradaha badankooda laga dhigo kuwo ka soo jeedaa beeshiisa, taasin waa mid bilaabantay welina socota , oo maalin kasta waxa la arkayaa isuduwe cusub oo ka soo jeeda beeshiisa oo la soo magacaabay.




Allahayow bardaankiyo




kala-badhashadii guud




barbar qudha in laga raro




aragtida bannaysaa




bunduqana samaysoo,




bani-aadminnimadii




nin ka baadiyoobaa




badhi furay wanaagii,




 




 




Qalinkii: Ayaan Maxamed Cali




Berbera/Somaliland

Baaq Taageero u ah Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo


Kulan ay iskugu yimaadeen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beesha Axmed Sheekh Isxaaq Toljecle ee Caasimada Somaliland Hargeisa  ayaa waxa ay baaq taageero ah ku taageereen musharaxnimada .Axmed Maxamed Maxmuud Siiraanyo oo ah Madaxwaynaha Somaliland inuu Noqdo Shanta Sano ee Danbe Musharax Madaxwaynaha ee Xisbiga Tallada Haya ee Kulmiye .




Taageeradaasi ay taageereen Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka Beeshu waxay ka timid markii ay arkeen in intii uu xilka hayay Madaxwayne Siiraanyo uu waxqabad balaadhan ka muujiyey gobolada Somaliland isaga oo maanta la odhan karayo inuu yahay Madaxwaynihii waxqabadka Somaliland ku suntan , markaanu intaasi ku qanacnay ayaanu baaqan ku socda  Musharax Madaxwayne ee Xisbiga tallada Haya ee Kulmiye ku taageeraynaa Madaxwayne Siiraanyo inuu mar labaad isku taago tallada dalka taasi oo uu u qalmo .




Waxa xaqiiqo ah nin madaxwayne siiraanyo uu maanta wadanka wax badan ka qabtay  hadii ay noqoto Wadooyinka , Darajooyinka Ciidamada , Caafimaadka , Waxbarasho , lacagtii laga bedelay gobolada bariga Somaliland , ictiraaf raadinta , nabadaynta gobolkada bariga .




Markaanu waxaasi oo dhan aragnay oo ay maanta bulshada Somalilandna ay markhaati cad ka tahay waxqabadka xukuumada maanta joogta ee uu hogaamiyo Madaxwayne Siiraanyo ka Dhalinyaro  iyo Aqoonyahano ahaanba ee ka soo jeeda beesha Axmed Sheikh ISxaaq Toljecle waxaanu taageero buuxda la garab taagan nahay Musharaxa Shanta Sano ee Soo socota Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siiraanyo ). Ugu danbayntii way ku midaysan yihiin Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka beesha inay taageero buuxda siiyaan Madaxwaynaha Ahna Musharaxa Madaxweynaha Somaliland Mudane. Siiraanyo




 




 




Alla Mahad Leh




 

Shirka Taleex oo Ammaankiisa la adkeeyey.Daawo


Ergadii ugu dambeysay oo Maanta ka soo galay Dharkeyn-geeyo…




Taleex(GNA)-Waxa ka furmaya Magaalada Taleex Maalmaha soo socda Shirka saddexaad ee Maamulka la baxay khaatumo.




Shirkan ayaa lagu waday inuu sabtidii la soo dhaafay furmo, laakiinse dib ugu dhacay ergooyin daahay.




Ergadii ugu dambeysay ee ka soo qayb gelayaasha Shirka ayaa Maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex, kuwaasoo ka soo kicitimay Deegaamada Dharkeyn geeye.




Halkan ka Daawo:




[youtube http://www.youtube.com/watch?v=Y64uNc96V1I&w=500&h=281]




Boqolaal ka mid ah Ergooyinka Shirka ayaa ku sugan Taleex, kuwaasoo bilihii u dambeeyay halkaasi ku soo qul-qulayay, waxaanay qaarkood ka yimaadeen qurbaha.




Masuuliyiintii hore ee Khaatumo ayaa ku sugan Madasha Shirka.




Shirka ayaa looga hadlayaa aayaha siyaasaddeed ee Beelaha ku bahoobay dhismaha Maamulka Khaatumo.




Sida ay sheegeen Masuuliyiinta Taleex ku sugani Shirka ayaa lagu dhisi doonaa Maamul rasmi ah oo Khaatumo yeesho, kaasoo lagaga bixi doono nidaamkii ku meel gaadhka ahaa ee lagu dhisay laba sano ka hor Magaaladan.




Shirka ayaa sugida ammaankiisa loo saaray guddi farsamo oo ka shaqaysa, kuwaasoo shalay lagu magacaabay Shir guddida qabanqaabada shirku ku yeesheen Taleex.




Laba ka mid ah saddexdii hogaamiye ee Khaatumo loogu doortay madaxweyneyaasha, Shirkii kan ka horeeyey, Maamulka Puntland ku biiray.




Sidoo kale waxa ka maqan shirkan xubno kale oo kii hore ka qayb galay, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Saleebaan Xaglo-toosiye   oo xiligaasi ahaa hogaankii SSC.




Gobanimonews




Laascaanood  Office




Email: editor@gobanimonews.com